Somali News
    Hees  

Ciidamada Yemen oo qabtay nin cadaan ah oo Al-Qacidada Soomaaliya ka tirsan

Mogadishu Talaado 23 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada Yemen oo qabtay nin cadaan ah oo Al-Qacidada Soomaaliya ka tirsan

Ciidamada dawlada Yemen ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Qacida oo Soomaaliya ka tagay xilli uu gaaray xeebaha wadankaasi.

Wargeyska Al-Yoom ee kasoo baxa dalka Yemen oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan ciidamada badda wadanka Yemen ayaa ku waramaya in ninkaan oo ka tirsanaa Al-Qacidada Soomaaliya ka dagaalanta uu doon uga dagay meel u dhaw dekeda magaalada Dhaaba oo gobolka Xadramuud ka tirsan.

Saraakiisha ciidamada Yemen waxay sheegeen in ninkaan oo ka tirsanaa saraakiisha Al-Qacida ee dagaalada ku taageera Xarakadda Al-Shabab isla markaana uu ka tagay gobolka Jubbadda hoose sida uu ku waramayo wargeyska warkaan qoray ee Al-Yoom.

Dhalashada ninkaan ciidamada Yemen ma aysan shaacin hase ahaatee waxayt xaqiijiyeen inuu Soomaaliya ka tagay.

Yemen waxaa xarumo ku leh ururka Al-Qacida kuwaasoo xiriir la leh Xarakadda Al-Shabab.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)