|
Cayaar Saaxibtinimo dhex Martay Labo Kooxodo dhalinyarada Cuslaatay oo lagu qabtay Magaaladan Orebro
Örebro Talaado 23 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Waxaa maalinti axada ah 21.10.2012 cayaar saaxibtinimo kubadda cagta ah isaga hor yimid laba kooxodo ka
kala tirsan dhalinyarada cuslaatay kana kala yimid Magalooyinka Stochkolm iyo Orebro.
Cayaartaso xiiso badneyd waxa lagu qabtay garoonka cayaaraha Tullans skollan ee Orebro,waxana dhax dhaxaadinayay
Cabdi Cadde.
Dhalinyaradi cuslaatay waxa ka mid ahaa cayaartoy beri samaadki u soo kala saftay kooxihi Dalka ka jiray sida Orso
Kadinle iyo Mahdi Juuni oo Horseed ahaa, Maxamad Cabdullahi Madbacadda, Cawad Badda iyo qaar kaloo sida Cali
Cadde.Abollo,Saciid Yare, Ibrahim Galbetti, Yuusuf Cabdow, Mustafa, Cumar Dheere, Amiin, Waaberi iyo Qaabil.
Gaba gabadi waxey guusha 2-0 ku raacday kooxdi Orebro, waxana loo ballansan yahay kulumo kale iney isaga hor
yimaadan muddo aan sii fogeyn.









Hassan Osman
Orebro
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|