|
Wasaarada arrimaha dibadda dalka Filibin oo shaacisay inay ilaalo ka noqonayso Maraakiibta sida Mucaawinada WFP
Mogadishu Talaado 23 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wasaarada arrimaha dibadda dalka Filibin oo shaacisay inay ilaalo ka noqonayso Maraakiibta sida Mucaawinada WFP
Dowladda Fibiin ayaa daboolka ka qaaday in ciidamo si gaar ah u tababaran oo ilaalo ka noqda Maraakiibta Hay'adda WFP ee sida Mucaawinooyinka inay diyaarisay, iyadoo ciidamadaasi ay ka ilaalin doonaan Maraakiibta Mucaawinada sida kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.
Wasaarada arrimaha dibada dalka Filibin ayaa iyadu shaacisay arrintaan, waxayna Wasaaradu sheegtay inay Ciidamadaasi waardiyo ka noqon doonaan maraakiibta u raran Hay’adda cunada aduunka Q.M u qaabilsan ee WFP.
Dowladda Fibiin ayaa sheegtay inay sidaasi u samaynayso dalab uga yimid midawga Yurub, waxayna Filibiin sheegtay in cidamadaasi ay ilaalada ka noqon doonaan Shixnadaha Hay'adda WFP oo magacooda lagu soo gaabiyay PCG ay noqon doonan kuwo ka hortaga weerarada kooxaha burcad badeeda Soomaaliya ay ka sameyaan xeebaha wadanka Soomaaliya iyo biyaha caalamka.
Dhinaca kale Qararkaasi ay qadatay xukuumada Filibin ayaa ka danbeeyay kadib kulan todobaadki tagay ka dhacay magalada London ee caasimada wadanka biriten markaasi uu ergayga Filibin ee wadanka biriten uu u sheegay masuuliyinta beesha caalamka ka socotay.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|