Somali News
    Hees  

Ciidamada Kenya ee kusugan Soomaaliya oo gacanta ku dhigay haweynedi ugu sareysay xarakada Al-Shabaab

Mogadishu Arbaco 24 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Ciidamada Kenya ee kusugan Soomaaliya oo gacanta ku dhigay haweynedi ugu sareysay xarakada Al-Shabaab.

Sida uu qoray wargeeska daily Nation ee kasoo baxa wadanka Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee kusugan gudaha dalka Somalia ay gacanta kusoo dhigeen haweyneedi ugu sareysay xarakada al-shabab ee somalia taasi oo laga qabtay magala xeebedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Afayenka ciidamada difaaca kenya ee dhanka macluumadka Cyrus Oguna ayaa sheegay in baritaan guri ka guri ay ka sameeyen gudaha magalada Kismaayo midkasi oo soconayey 72-sacadood ayuu sheegay in lagu soo qabtay haweyneydii ugu sareysay xarakada Al-shabab ee Somalia iyo in ka badan 72 Al shabab kamid ah.

Cyrus Oguna ayaa sheegay in gacan ku dhigista haweyneedasi ay tahay dadaal weyn ay bixiyeen ciidamada Kenya iyo kuwa somalida ee kuwada sugan magalada Kismaayo waxa uu cadeeyay in haweyneda ay Shabab u qaabilsaneed ku dhiiri galinta haweenka dhanka weerarada Al-shabab ay ku qadayaan xarumaha dawlada somalia iyo kuwa ciimada nabad ilaalinta midnimada afrika ee magacooda loso gaabiyo AMISOM.

Cyrus Oguna ayaa hadalkiisa intasi ku daray in ciidamada Kenya ay si aad ah ula shaqeen doonan ciidamada somalia si loo gaaro nabad galyo buuxda oo laga hirgaliyo gudaha magalada Kismaayo oo dhawaan laga saaray maamulkii Al-shabab oo sanado halkasi maamulayey.

Hawgalka haweyneedasi lagu soo qabtay ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Kulbio halkaasi uu afayenka ciidamada Kenya ee kusgan Somalia uu shegay in sidoo kale lagu qabtay 5-kamid ah xubnaha dhaq dhaqaaqa Al-shababka somalia kuwaasi uu tilmaamay in ay isku dayayeen in ay u talaban gudaha wadanka Kenya.

Hawgalkaasi inta uu socday ayuu afayenka tilmaamay in ay ku dhawacmen labo kamid ah askarta ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM.

Ciidamada Kenya oo soo galay Somalia bartamihii bishi Oktober ee sanadii 2011-ka ayaa waxa u suurta gashay in ay mamulka Al-shabab ay ka saraan magalada Kismaayo halkasi oo ay ahayd xarunta dhaqale ee xarakada Al-Shabaab.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)