|
Guruubka Dhimashada ee Guruub D Real Madrid oo Caawa Carbuunaneysa Wareega 16ka Hadii ay Dhibic helaan
Mogadishu Arbaco 24 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Guruubka Dhimashada ee Guruub D Real Madrid oo Caawa Carbuunaneysa Wareega 16ka Hadii ay Dhibic helaan
Kooxaha Caawa ku Balansan Lugta 3 ee Wareega Hore ee Tartanka Champions Liguae 2012-2013 waxaa ka mida 4ta Kooxood ee ku jira Guruub D Guruubka loo Bixiyay kan dhimashada ee Tartankaan waxaana caawa Kulmada ugu Dambeeya Lugta hore ee Wareega Guruubyada Naadiyadu isku arki doonaan sidatan....
Borussia Dortmund vs Real Madrid
Ajex vs Man City.
Dhinaca Kala horeynta
Real Madrid 2 2 0 0 6 dh
Dortmund 2 1 1 0 4 dh
Man City 2 0 1 1 1Dh
Ajex 2 0 0 2 0
Kooxda Macalin Mourinho ee Real Madrid Caawa waxa ay u Baahan tahay 1 dhibic oo ay ku Carbuuntaan u gudbida Wareega 16ka ChampionsLiguae 2012-2013,Kooxda B.Dortmund waxa ay u Baha n tahay ugu Yaraan inaan Laga badin,Man City waxa ay u baahan Tahay Badis,sidoo kale Ajex iyaduna waxa ay u Bahaan tahay Badis.
Marka laga reebo Real madrid Kooxaha kale Xitaa hadii ay badiyaan Lama sii xaqiijin karo u gudbidooda Wareega 16ka,waxaan rajadoodu ay ku xiran Tahay Kulmada Lugta 2ee Wareega Guruubyada.
Hadaba Mourinho Kooxdiisa Caawa ma u Horseedi doonaa iyadoon la gaarin Lugta 2 ee Guruubyada inay u Talaabaan Wareega 16ka
Waxaa diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|