Somali News
    Hees  

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Groub oo saakay la soo dhoobay isgoyska Km4

Mogadishu Arbaco 24 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Groub oo saakay la soo dhoobay isgoyska Km4

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay la soo dhoobay isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho, waxayna isku gadaameen isla markaana lagu arkay waddooyinka uu ka kooban yahay isgoyskaasi.

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno ciidamadaan oo lagu magacaabo Alfa Group kana mid ah ciidamada sida gaarka ah loo tababaray ayaa iyagu watay gaadiidka dagaalka oo ay ku rakiban yihiin qoryaha darandooriga u dhaca, hase yeeshee ciidamadaasi ayaan iyagu wax saameyn ah ku yeelan isu socodka dadka iyo gaadiidka maraya isgoyskaasi.

Ciidamadaan ayaa howlgallo baaritaano ah waxay ka bilaabeen isgoyska Km4, iyagoo gaadiidka dusha ka eegayay, isla markaana qofkii laga shakiyo ay soo qabanayeen, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan in ciidamadaan ay ku raad joogaan howlgallo qarsoodi ah oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadaan oo si gaar ah ula shaqeeya Nabad sugidda Dowladda ujeedadoodu tahay in ay ilaalinayaan ammaanka wufuud caalami ah oo saacadaha soo socda la filayo inay Muqdisho soo gaaraan, taasi oo keentay in Dowladdu isku xilsaarto xoojinta amniga wufuuda caalamiga ah ee iyagu imaanaya magaalada Muqdisho.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)