|
Al-Shabaab oo xalay dagaalo ku soo qaaday xarumo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. ee Magaalada Kismaayo
Mogadishu Arbaco 24 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Al-Shabaab oo xalay dagaalo ku soo qaaday xarumo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. ee Magaalada Kismaayo.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Goblka Jubada hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal qaraar uu halkaasi ka dhacay kaasoo u dhaxeeyay ciidamada huwanta iyo kuwa Al-shabaab, iyadoo magaalada oo idil laga maqlaayay daryanka madaafiicda iyo qoryaha culus.
Dagaalka ayaa yimid baa laleeyahay kadib markii maleeshiayad ka tirsan kooxda Al-shabaab ay gudaha u galeen magaalada isla markaana ay weerareen xarumo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ee ku howlgalaya magaca AMISOM.
Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen kusugan Kismaayo in marqura magaalada laga maqlay daryanka rasaasta iyo huguka madaafiicda ay isweydaarsanayaa labada dhinac.
Ciidamada isgarabsanaya ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday hase yeeshee waxaa la isweydiinayaa, iyadoo maalmihii u danbeeyay Kismaayo ay ka socdeen baaritaano iyo howgalo lagu xaqiijinayo amaanka in maleeshiyaadka Al-shabaab ay weeraraan fadhiisimada ugu waaweyn ee ciidamada ay ku leeyihiin Magaalada.
Lama oga inta uu la’egyahay qasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee xalay ku dagaalamay Kismaayo, hase yeeshee weerarka xalay ayaa ah kii ugu horeeyay oo lagu qaado ciidamada huwanta ah tan iyo markii ay magaalada Kismaayo ay si nabad ah ugala wareegen kooxda Al-shabaab
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|