|
Gulia Terzi :"Halkan waxaan u imid inaan horay u sii wadno xiriirka iyo cilaaqaadka u dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya.."
Mogadishu Arbaco 24 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Gulia Terzi :"Halkan waxaan u imid inaan horay u sii wadno xiriirka iyo cilaaqaadka u dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya.."
Kadib booqasho shalay uu ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Dibada Talyaaniga Gulia Terzi.ayaa waxaa uu sheegay inay faraxad weyn i tahay inuu yimaado halkaan isla markaana uu kulan la qaato madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Isagoo ka hadlaayay wasiirka shir jaraa’id oo wadajir ay u qabteen isaga iyo madaxweynaha ayaa waxaa uu ka hadlay ujeedada uu u yimid Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in u jeedadiisu ay aheyd sidii loo sii xoojin lahaa cilaqaadka ka dhaxeeya labada Dowladood.
"Halkan waxaan u imid inaan horay u sii wadno xiriirka iyo cilaaqaadka u dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya, waxaan uga mahadcelineynaa Madaxweynaha guusha siyaasadeed ee uu gaaray,"ayuu yiri Gulia Terzi.. wasiirka arimaha dibada dowlada Talyaaniga.
Waa booqshadii ugu horeysay baa laa leeyahay oo masuul sare oo ka tirsan dowlada Talyaaniga uu ku yimaado magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka, waxaana booqashadaan ay imaaneysaa xili lagu mashquulsanyahay soo dhisida xukumad cusub oo taya leh.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|