|
Ciidamada Huwanta ee ku Sugan Gobalka Shabeelaha Hoose oo soo bandhigay hub ay laheed Kooxda Alshabaab
Mogadishu Khamiis 25 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Huwanta ee ku Sugan Gobalka Shabeelaha Hoose oo soo bandhigay hub ay laheed Kooxda Alshabaab.
Ciidamada Iskaashanaaya ayaa maanta soo bandhigay hub laga helay goob ay shabaabku ku qarsadeen oo ku taal gobolka Shabeellada hoose.
Hubkan oo Muqdisho lagu soo bandhigay ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid ay ku dagaalami jireen Kooxda AL-shabaab ayna kasoo heleen meel lagu qariyay, iyadoo uu hubkaas ay isugu jireen kuwa Culus iyo kuwa fud fud iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.
tJen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hubkan ay ka heleen ciidamada iskaashanaaya meel lagu qariyay oo ka kala tirsan Magaalada Marka iyo Degaanka Ceelasha Biyaha oo labaduba ka tirsan Gobalka Shabeelha Hoose .
Taliye Gacma-duule ayaa intaasi wuxuu ku daray in hubkan ay Al-shabaab u adeegsan jireen inay weerarro ku geystaan, isagoo sidoo kale sheegay in lasoo qabtay xubno Al-shabaab ka tirsan oo ku sugnaa barahaa ay sida qarsoodiga ah ee hubka ugu heysteen.
Mid ka mid ah Saraakiisha dowladda oo isagu ku sugnaa halka hubka lagu soo bandhigay ayaa sheegay in markii hubkan la ogaaday halka uu yaallo oo ay ciidamadu tageen uu dhacay dagaal xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac, balse ugu dambeyn ay ku guuleysteen inay qabsadaan goobtaas ayna hubkan kasoo saaraan.
Ciidamada dowlada ayaa maalmahii ugu dambeyay si isdaba joog ah uga qabsanaayay kooxda Alshabaab degaano ay maamuli jiriin hub iyo saanado militari oo ay doonayeen in ay ku waxyeeleeyaan Umada iyadoo tii ugu dambeysay ay aheed hubkii ay xeebaha Puntland ku qabteen Ciidamada Maamulkaas hubkaa oo la aaminsanaa in loo soo waday Kooxda Alshabaab.
Dhanka kale, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Dhego-badan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika oo iskaashanaya ay la wareegeen deegaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.











Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|