Somali News
    Hees  

Charles Makono : “In laga faa’ideysto khibradda saraakiishii hore ee booliska Somalia..."

Mogadishu Khamiis 25 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Charles Makono : “In laga faa’ideysto khibradda saraakiishii hore ee booliska Somalia waxa ay keeneysaa in laga maarmo tababar dalka dibaddiisa booliska Somalia loogu qaado”

Saraakiisha booliska AMISOM ee Somalia ayaa waxa ay sheegeen in laga maarmo tababar booliska soomaaliyeed lagu siiyo dalka dibaddiisa loona baahanyahay in laga faa’ideysto khibradda ku jirta saraakiishii hore ee booliska soomaaliyeed.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska AMISOM oo magaciisa la yiraahdo Charles Makono ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in macluumaad laga kororsado maskaxda saraakiishii hore ee booliska Somalia kuwaas oo uu sheegay in hadda wax tixgelin ah aan la siin.

“In laga faa’ideysto khibradda saraakiishii hore ee booliska Somalia waxa ay keeneysaa in laga maarmo tababar dalka dibaddiisa booliska Somalia loogu qaado”ayuu yiri Charles Makono .

Booliska AMISOM ayuu sheegay in hadda wada shaqeyn buuxda ay kala dhaxeyso booliska Somalia oo ay iska gaashadaan suggidda amaanka magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale oo dowladda ay gacanta ku heyso.

Hadalkan ka soo yeeray saraakiisha ugu sar sareysa ciidamada booliska AMISOM ayaa ah mid imaanaya xilli askar badan oo boolis ah dalka dibaddiisa ay tababaro ku soo qaadanayaan kuwa kalana la qorsheenayo in hadda kadib la wado.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)