Somali News
    Hees  

Ciyaaryahano Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigay Tartanka 10 Van Cuijk ee Holland

Amstredam Khamiis 25 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ciyaaryahano Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigay Tartanka 10 Van Cuijk ee Holland.

Ciyaaryahano Soomaaliyeed oo Ciyaara Ciyaaraha Fudud ayaa wac daro ka dhigay Tartan Ciyaareed sanad waliba Xilligaan oo kale lagu qabto Magaalada Nijmegen ee dalka Holland, kaa oo loogu Magacdaro 10 Van cuijk.

Axmed Sahal Xusseen & Maxamed Cali Maxamed oo ka wada tirsan Naadiga Nijmegen Atletiek ayaa guulo usoo hooyay Naadigooda iyagoona noqday 10-ka Ciyaartooy ee ugu wanaagsanaa tartankaasi.

Axmed Sahal Xusseen oo Orday 3KM, ayaa ku guuleestay kaalinta 3-aad, iyadoona Maxamed Cali Maxamed uu ku tartamay Orodka 5KM, isla Markaana galay Kaalinta 1-aad.

Maxamed Cali Maxamed oo asal ahaan kaso jeeda Soomaaliya ayaa Ciyaaraha Fudud ee dalka Holland ku dhex jira Muddo 5-sanadood, iyadoona Ciyaaryahan Axmed Sahal Xuseen uu Naadiga Nijmegen Atletiek ku biiray 2 todobaad ka hor.

Dalka Holland ayaa xilligaan waxaa kusoo badanaya Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Mustaqbalka wanaagsan ku leh Ciyaaraha Fudud iyadoona illaa iyo iminka inta la ogyahay lagu qiyaasay 7 Ciyaaryahan Soomaaliyeed oo Mustaqbal ku leh Ciyaaraha fudud ee dalka Holland.



Salah Hassan Omer [Salah Dheere]
Amsterdam - Nederlands.
Email: s.dheere@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)