Somali News
    Hees  

Dhaga badan: "Al-Shabaab ugama hari doono dhulka baadiyaha ee ay ku dhuumaalaysanayaan..."

Mogadishu Khamiis 25 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dhaga badan: "Al-Shabaab ugama hari doono dhulka baadiyaha ee ay ku dhuumaalaysanayaan..."

Abaan duulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya C/kariin Yuusuf Aadan (Dhaga badan) ayaa sheegay in markii magaalooyin waaweyn laga saaray AL-Shabaab ay isku aruursanayaan dhulka baadiyaha ah, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay diyaar uyihiin inay uga daba tagaan meel kasta oo ay ku dhuumaalaysanayaan Al-Shabaab.

Dhaga badan waxa uu sheegay in taako ka mid ah Soomaaliya aysan qabsan karin ciidamadda isgarabsanaya hadii aysan helin taageerada shacabka, wuxuuna sheegay in haatan ay taageero ka helaan qaar ka mid ah Soomaalida, islamarkaana ay u sheegaan meelkaste oo ay joogaan Al-Shabaab.

Gen Dhaga badan waxa uu daboolka ka qaaday in Dowladda Soomaaliya ay shacabka horay ay uga balanqaadeen in uu san dagaalku joogsan doonin tan iyo inta ay Shabaabka ka cirib tirayaan guud ahaan, Balantiina ay weli sideedii u taagan tahay.

Taliska Militeriga Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay in ay ka go’an tahay soo afjarida dagaalada ay kula jiraan kooxda Al- Shabaab, waaxase hubaal ah in wali aan dhamaad lagu tilmaami karin dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya iyo Al-shabaab.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)