Somali News
    Hees  

Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo munaasabadda ciida awgeed hambalyo iyo farriin u diray shacabka Soomaaliyeed

Mogadishu Jimco 26 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo munaasabadda ciida awgeed hambalyo iyo farriin u diray shacabka Soomaaliyeed

Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta kale ee Muslimiinta ku nool caalamka, wuxuuna Goluhu Alle uga baryay shacabka Soomaalida in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan bashbash iyo barwaayo.

Bayaan ka soo baxay Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa hambalyo gaar ah u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada iyo degaanada laga saaray Al-Shabaab, wuxuuna Golaha farxad iyo reyreyn ku tilmaamay inay u tahay shacabkaas nabadda ay ku naaloonayaan oo uga duwan sanadkii ay halkaasi xooga ku heysteen kooxda Al-Shabaab.

"Shacabka ku nool goboladii laga saaray Al-Shabaab waxaan u direynaa hambalyo gaar ah, bacdamaa ay maanta ku ciidayaan si nabad ah iyagoo aanay dhibaato ku geysaneynin kooxda Al-Shabaab" ayaa lagu yiri bayaanka oo dhinaca kale umadaha Muslimiinta caalamka ugu baaqay inay u midoobaan wax kasta oo ka hor imaanaya jiritaanka qaranimadooda iyo diintooda Islaamka ah.

Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ugu baaqay ciidamada nabadgelyada Dowladda iyo kuwa AMISOM inay xoojiyaan amniga goobaha laga saaray kooxda Al-Shabaab, wuxuuna Golaha walaac ka muujiyay falalka mararka qaarkood ka dhaca goobihii Shabaabka laga saaray.

Dhinaca kale Bayaanka ka soo baxay Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ku booriyay Ciidamada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga qeyb qaataan ammaanka dalka, sidoo kale inay iska kaashadaan sidii kooxaha Shabaabka ee isku dayaya inay geystaan falal amni darro ay ciidamada u gacan geliyaan.



Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)