|
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisal Wasaare Saacid oo si hoose loo xaliyay khilaaf markii ugu horeysay soo kala dhex galay
Mogadishu jimco 26 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisal Wasaare Saacid oo si hoose loo xaliyay khilaaf markii ugu horeysay soo kala dhex galay
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in markii ugu horeysay uu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Khilaafka ayaa yimid kaddib markii labada mas'uul ay isku qabteen qorshe ku saabsan magacaabista Golaha Wasiirada, kaddib markii uu Madaxweynuhu soo farageliyay howlaha Ra'iisal Wasaaraha ee magacaabista Golaha Wasiirada.
Wararku waxay sheegayaan in Ra'iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon uu ka biyo diiday soo jeedin ka timid Madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo ku saabsaneyd in Ra'iisal Wasaaruhu soo magacaabo Gole Wasiiro ka kooban 8-xubnood, iyadoo la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintaasi si weyn uga xumaaday isla markaana ku hanjabay inuu dib uga laabanayo magacaabistiisa.
Khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ayaa waxaa soo kala dhex galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana shirar dhowr ah oo saddexdii habeen ee u dambeysay ay ku yeesheen madaxtooyada uu ku guuleystay inuu si hoose u xaliyo.
Dhinaca kale Ra'iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa horay u sheegay inuu soo magacaabayo Gole Wasiiro oo tiro yar balse tayo badan, iyadoo xubnaha Golahaasina uu ku soo xulayo aqoon, karti, waya aragnimo iyo hufnaan.
Dhinaca kale khilaafka soo kala dhex galay labada mas'uul markii ugu horeysay ayaa waxay xaaladu ka dhigan tahay mid aanay dhegaha shacabka ku cusbeyn khilaaf soo kala dhex gala madaxda sare ee Dowladda oo horay sidaan oo kale khilaafyo u dhex marayeen maamuladii horay dalka u soo maray.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|