|
Amiirka Qadar: "Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo ka gudbista mas’uuliyadda
culus ee dushiisa saaran oo ah inuu dalka somalia dhibaatada uu ka
saaro
Mogadishu Jimco 26 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Amiirka Qadar: "Waxaan Alle uga baryayaa inuu u fududeeyo ka gudbista mas’uuliyadda
culus ee dushiisa saaran oo ah inuu dalka somalia dhibaatada uu ka
saaro.
Amiirka dalka qadar Sheikh Hamad bin Khalifa al-Thani ayaa umadaha
islaamka munaasabadda ciidul adxa aawadeed waxa uu u soo diray fariin
hambalyo ah isagoona wadamada islaamka alle uga rajeeyay isku
duubnaan.
Amiirka qadar ayaa fariin uu u soo diray madaxweynaha Somalia Xasan
Shiikh Maxamuud uu ku sheegay in shacabka soomaaliyeed uu bah wadaag
la yahay shacabka qadar sidaa darteedna dowladdiisu ay jeceshahay inay
aragto soomaalida oo isku duuba oo dib u soo ceshta karaamadii ay
lahaayeen.
Amiirka Qadar Sheikh Hamad bin Khalifa al-Thani waxa uu madaxweynaha
somalia u rajeeyay inuu Alle u fududeeyo ka gudbista mas’uuliyadda
culus ee dushiisa saaran oo ah inuu dalka somalia dhibaatada uu ka
saaro.
Sheikh Hamad bin Khalifa ayaa sidoo kale waxa uu fariin kal iyo laab
ah uu u diray shacabka jamhuuriyadda jabuuti iyo madaxweynahooda
Ismaaciil cumar geelle.
Qadar ayaa waxa ay kamid tahay lixda wadan ee wadamada khaliijka la
isku yiraahdo , waxana dowladda qadar lagu xasuustaa kaalintii ay ka
ciyaartay u gurmashada kumanaankii soomaalida aheyd oo sanad ka hor
abaarihii ay haleeleen.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|