|
AMISOM oo sheegtay in waddada isku xirta magaalada Kismaayo iyo deegaanka Buulo-Xaajiay ku dileen qaar ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab
Mogadishu Sabti 27 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

AMISOM oo sheegtay in waddada isku xirta magaalada Kismaayo iyo deegaanka Buulo-Xaajiay ku dileen qaar ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa sheegay in Howlgalka lagu dilay Maleeshiyaadka Al-Shabaab uu dhacay maalinnimadii Khamiista ee todobaadkii hore oo ay taariikhdu ku beegneyd 24-kii bishan Octobar islamarkaana uu howlgalku ku soo gebageboobay sidii loo qorsheeyey.
Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in howlgal laga sameeyey waddada isku xirta magaalada Kismaayo iyo deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen Shan ka tirsana Malleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Qoraalka ka soo baxay AMISOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in intii howlgalka uu socday uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan Ciidammada Midowga Afrika kaas oo u dhashay waddanka Kenya.
Ugu dambeyntii Taliska Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qoraalkooda ku soo gebagebeeyay iney ka go’an tahay sidii Soomaaliya looga cirib tiri lahaa guud ahaanba haraadiga kooxda ee Al-Shabaab eek u dhuumaalaysanaaya deegaano kooban oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|