|
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo weerar ku qaaday magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe
Mogadishu Sabti 27 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo weerar ku qaaday magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay weerar ku qaaday magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe, kuwaasi oo saakay lagu arkayay iyagoo isku urursanaya magaalada Balcad oo dhowr Km u jirta magaalada Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale dhaqdhaqaaqyada iyo diyaar garowga ku wajahan magaalada Jowhar ay ka socdaan magaalada Muqdisho, iyadoo kolonyo gawaarida ciidamada Dowladda oo wada hub iyo saanado milateri u ruqaansaday dhinaca degmada balcad oo ah saldhigga ugu weyn ee ay ciidamada ka duulayaan.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in degaanka Qalimow oo 30Km u jira magaalada Jowhar ay ku sii qulqulayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, kuwaasi oo qorsheynaya inay saacadaha soo socda galaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ayaa sheegay in weerarka uu yahay mid qorsheysan oo lagu doonayo in meesha looga saaro maamulka ururka Al-Shabaab ee ka arrimiya magaalada Jowhar, waxayna wararku sheegayaan in gudaha magaalada Jowhar ay isaga baxeen inta badan maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.
Dhinaca kale magaalada Jowhar ayaa laga dareemayaa cabsi soo food saartay dadka degaanka kaddib markii magaaladu ay gashay xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan iyagoo ka baqanaya in dushooda lagu dagaalamo, waxaana idiin soo gudbineynaa hadba wixii warar ah ee ku soo kordha.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|