|
Human Rights Watch oo ciidamada Kenya ku eedeysay inay jiraan jirdil iyo garaacid ay u geystaan dad Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya
Mogadishu Sabti 27 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Human Rights Watch oo ciidamada Kenya ku eedeysay inay jiraan jirdil iyo garaacid ay u geystaan dad Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya
Human Rights Watch kooxda u dooda xaquuqda Bini’aadamka ayaa ciidamada ammaanka Kenya ku eedeysay in xadgudubyo ay isugu jira jirdil iyo garaacid ay u geystaan dad Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Kenya.
Human Rights Watch waxay sheegtay in Ciidamada Kenya iyagoo kaga jawaab celinaya marka koox ay Bam ay ku weeraraan meelo ka mid ah dalka Kenya, islamarkaana xiligaasi ay Soomaalida kala kulmaan dhibaato isugu jirta jirdil iyo xarig.
Human Rights Watch ayaa tilmaamtay in ciidamada Kenya ay canbaareynayaan dhibaatooyinka xadgudubyada ah ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.
Kooxda u dooda xaquuqda aadanaha ayaa waxay shaaca ka qaaday in marka ay ciidamada Kenya ay la kulmaan weerar tusaale ahaan kaga yimaada kooxo hubeysan oo argagixiso ah, waxa sheegeen in jirdil iyo garaacid ay kula dhaqaaqayaan dadka goobta ka agdhaw ee Soomaalida ah.
Human Rights Watch waxa ay sheegtay in baaritaano ay sameysay ay ku ogaatay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gaarisa loo geystay xadgudubyo isugu jira jirdil iyo garaacid, kadib weerar lagu soo qaaday ciidamada ammaanka ee Magalaada Gaarisa.
Otsieno Namwaya oo ka mid ah kooxda udooda xaquuqda aadanaha ayaa sheegay in ciidamada Booliska Kenya ay baaritaan la'aan ay dadka kula dhaqaaqaan xadgudubyo ay ka mid tahay garaacid iyo jirdil xitaa waxa uu tilmaamay in mararka qaarkood dadka la toogto.
Dhanka kale dowlada wadanka Kenya ayaa iska fogeysay eedeymahaasi loo soo jeedinaayo, iyadoo Eric Kerith oo ah afhayeenka ciidamada Booliska Kenya uu inkiray dhamaan eedaymaha loo jeediyay Dowlada Kenya.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|