|
Al-Shabaab oo cambaareysay kordhinta lacagaha taleefanka lagu diro ee shirkadda Hormuud
Mogadishu Sabti 27 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Al-Shabaab oo cambaareysay kordhinta lacagaha taleefanka lagu diro ee shirkadda Hormuud
Ururka Al-Shabaab ayaa cambaareeyay isbedel dhowaan lagu sameeyay lacagaha la isugu diro taleefanka ee shirkadda Hormuud, waxaana shabakad ay Al-Shabaab ku leeyihiin barta Internet-ka la soo dhigay qoraal arrintaasi looga hadlayo.
Al-Shabaab ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in shirkadda Hormuud oo ah tan ugu shafka weyn shirkadaha dalka ay iminka banneysatay sidii ay u dhici lahayd dhaqaalaha dalka, waxaana qoraalka lagu caddeeyay in shirkadda Hormuud ay iminka ka wareegtay milkiilihii lahaa.
"Adeegyada ZAAD iyo SAHAL waxay bilaabeen taxadar la'aan iyadoo Soomaalida aan ka fekerin inta lagu shuban karo" ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab ka soo baxay oo sidoo kale lagu muujiyay in shilinka Soomaaliga ah uu qiime dhac ku yimid.
Dhinaca kale warka Al-Shabaab ayaa lagu xusay in dhibaatada dalka ka dhacday labaatankaan sano ay ka mid tahay in lacag jeebka lagu qaadan waayo guri la dhiganayay ama Bankiga lagu shubanayay, taasi oo ay ku faanayaan nimankii hindisay adeegyadaan.
Al-Shabaab ayaa ku tilmaamtay adeega ZAAD iyo SAHAL inuu yahay mid sawir ah oo lacagtaadi cadaanka ahayd lagaaga qaadanayo qoraal oo kaliya iyadoo waliba lagu sheegay in habeen iyo maalin ay ku fekerayaan sidii ay u dhici lahaayeen lacagahaasi.
"Maxay sameyneysaa shirkadda haddii malaayiinta lacagta ah ay ku wada go'do?" ayuu isweydiiyay nin lagu sheegay in laga wareystay aaminaadda uu ku qabi karo qofka $100,000 mar kaliya ku shubta taleefanka, waxaana lagu muujiyay sida cajiibka leh ee shacabku ku aaminayaan in lacagahoodu loogu bedelo lambaro taleefanka accountiga uu ku leeyahay inay ugu keydsan tahay.
Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in adeegyada taleefanka lacagaha la isugu diro ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya kala duwan yihiin, iyadoo warbixintu tilmaameyso in adeega Taleefanka lacagaha la isugu diro uu ka duwan yahay kan Soomaaliya.
"Haddii adiga oo jooga Kenya aad tiraahdo wax iiga iibi adeega MPESA waa laguugu qoslayaa kaddibna waa lagu xirayaa" ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu muujiyay in adeega ka jira Kenya aanu waxba u dhimeynin lacagaha dalkaas.
Warbixinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dad ku sugan Somaliland oo isticmaalay adeegga qaarkood ay shoog qaadeen kaddib markii ay luntay lacagahoodii, kaddib markii ay is xireen adeegyadii lacagaha la isugu dirayay ee shirkadda Telsom iyagoo ku qamaamay xarumaha shirkadaasi ku leedahay dhammaanba gobolada Somaliland.
Dhinaca kale adeegga SAHAL ayaa lagu sheegay inuu fududeynayo tuugada iyo burcad badeeda iyagoo kala jooga cirif ilaa cirif inay lacagaha isugu diraan iyadoo waliba aanay jirin cid ilaalineysa isla markaana maamul goboleedyada dalka ka jira aanay ogaan karin arrintaas.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|