Somali News
    Hees  

Wasiirka Qorshaynta oo Talooyin Dhaxalgal ah Siiyey Arday ka Qallinjebisay Jaamacadda ALPHA iyo Doorkii Dahabshiil

Hargeysa Sabti 27 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Wasiirka Qorshaynta oo Talooyin Dhaxalgal ah Siiyey Arday ka Qallinjebisay Jaamacadda ALPHA iyo Doorkii Dahabshiil

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa talooyin dhaxalgal ah oo ku wajahan mustaqbalka dhallinyarada aqoonta baratay ka jeediyey munaasibad sagootin ah oo loo sameeyey ardaydii dufcadda kowaad kaga qallinjebiyey kulliyadaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Jaamacadda ALPHA.

Xafladda oo lagu qabtay xalay huteelka Maansoor ee Hargeysa oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dr. Sacad Cali Shire iyo Cali Siciid Raygal, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, Maareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa iyo Agaasimaha Baanka Dhexe ee dawladda Cabdillaahi Xasan, madax ka socotay shirkadda Dahabshiil oo iyadu qayb ahaan bixisay kharashka ku baxay, maamulka, macallimiinta iyo ardayda qallinjebisay ee jaamacadda ALPHA, waxa hadallo kala duwan oo halkaasi laga jeediyey arddayda loogu hogo-tusaaleeyey hiigsiga mustaqbalkooda.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo ka mid ahaa masuuliyiinta madasha ka hadlay, ayaa khudbad aqooneed loo bogay oo uu tilmaan iyo tusaale ku siiyey dhallinyarada jaamacadaha dalka ka qallinjebiyaa kaga bixi karaan shaqo la’aanta ama ku raadsan karaan waxbarasho sare oo dheeraad ah. Waxaannu dhallinyarada aqoonta baratay ku booriyey in aanay ku fikirin oo keliya inay helaan shaqo ay cid kale u qabanayaan, laakiin iyagu ay isku dayaan inay abuurtaan shaqooyin ay iska leeyihiin, isla markaana helitaanka shaqada aanay sugin inay si fudud ugu timaado.

“Tiknoolajiga casriga ahi waxa uu sababay in adiga oo gurigaaga jooga aad u shaqayn karto kambani dal kale ah sida hadda ka jirta Yurub oo dad joogga waddama Idia iyo China ay shaqeeyaan, markaa fursado badan ayaad haysataan ee fikirkiina ha ku koobina dalka gudihiisa. Shaqadu si fudud kuma timaado ee ha ka xishoonina in aad xafiisyada dawladda, shirkadaha ganacsiga iyo hay’adahaba aad subax walba soo marto oo aad waydiiso inay shaqo hayaan.

Waxyaabaha muhiimka u ah helitaanka shaqada waxa ka mid ah waayo-aragnimada oo ay inta badan dadkeedu si khaldan u fahmaan, waayo waayo-aragnimadu waa masuuliyadda iyo waxaad qabatay, markaa waa in adigoo been sheegayn aad ku xisaabtanto hawl kasta oo aad soo qabatay. Waxa ka mid ah in taariikh aqooneedka iyo waayo-aragnimadaada (CV) oo aannu mid keliya kugu filnayn ee adiga oo runta ka sheegaya aad ku dabaqdo shaqada aad dalbanayso. Waxa kale oo ku jira in aad barataan habka loo qaado waraysiga oo inta badan ah waxa ugu dambeeya ee shaqaalaha lagu qaato,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

Waxa kale oo uu Wasiir Sacad dhallinyarada u tilmaamay dariiqa ugu dambeeya ee ay kaga dhabayn karaan inuu ku guulaystaan hamigooga, “Si himiladaada u gaadho waxaad u baahan tahay kalsooni inaad ku qabto naftaada iyo dalkaagaba, shaqo guriga kuugu imanaysaa ma jirtee subax walba raadi shaqo, waa in aanad niyad-jabin haddii aad 50 albaab garaacdo oo aad ka waydo ha niyad-jabin, marka u dambaysana waa inaad Ilaahay talo-saarato, haddii aad intaa samayso aakhirka waad guulaysanaysaa,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire.

Agaasimaha Bangiga Dhexe ee dawladda Cabdillaahi Xasan oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in xeerka Bangiyada Islaamiga ah ee dhawaan la meelmariyey oo ay door weyn ka qaateen keenayo in dalka laga furo bangiyo shaqo abuur sameeya.
Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil iyo Maareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada in aqoonta ay barteen ku sameeyaan hal-abuurnimo shaqooyin keena.

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee Dahabshiil Group Xasan Maxamed Jaamac (Xasan-Xiis), ayaa isna u soo jeediyey ardayda qallinjebisay inay raacaan tallaabooyin ay ka mid yihiin; in aanay marti u noqon wixii iyaga marti looga noqon lahaa, inay mar walba waxa wanaagsan ka doortaan waxa xun sida tahriibta, welwelka iyoquusashada iyo inay ka xaragoodaan waxa xun sida qabyaaladda.

Waxa kale oo uu xusay in ay shirkad ahaan farxad gaar ah u tahay dhawr iyo toban ka mid ah ardaydaasi oo ka mid ah shaqaalaha shirkadaha Dahabshiil Group.

Guddoomiyaha Jaamacadda ALPHA Maxamed Xuseen (Mu’adinka) oo soo xidhay khubadaha xafladda ayaa kula dardaarmay ardaydiisii hore inay samaystaan qorshe mustaqbalkooda ku xidhiidhiya, kadibna la yimaadaan dadaal iyo inay Ilaahay la kaashadaan.

Waxa kale oo xafladda ka hadlay Prof. Cabdi Cali oo ka mid ah macallimiinta jaamacadda ee ardayda waxbaray iyo dhawr arday oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Sulaymaan Xiis, Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed iyo Cabdirisaaq Maxamuud Ibraahim, kuwaas oo ka warramay aqoontii la baray iyo dadaalkii ay la soo mareen.
Gebogabadiina waxa halkaasi shahaadooyin lagu siiyey ardaydii ugu sarraysay labada kulliyadood ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha iyo weliba qaar ka mid ah macallimiintii waxbartay.

Jamaal ibrahim 
mustaqbal7@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)