|
Helsinki Futsal Tournament oo 9-kooxood ku tartantay ayaa lagu qabtay dalka Finland(+Sawirro)
Helsinki Sabti 27 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kooxahan oo ka koobnaa 9-kooxood oo dhaamtood ka kala yimd wadanka Finland ayaa ahayd Kooxdii kaalinta koowaad gashay Fc- vuosaari oo ku guuleystay tartankii Helsinki Futsal Tournament (HFT 2012) 20.10.2012 oo 1 – 0 kaga badisay kooxdii Fc Länsi Helsinki, tartankan oo mudo hal maalin ah ka socoday caasimada dalka Finland ee Helsinki kaa soo ay soo qabanqaabiyeen Ururka dhaqanka iyo Isboortiga ee dalka Finland (Socus ry).
Munaasabadii furitaanka waxaa ka hadlay Maxamed Ibrahim (Gurey) oo ka shaqeeya dowlada hoose ee magaalada Helsinki qaybta dhalinyarada ahna shaqsiga keliya ee inta badan u adeega dhalinyarada, wuxuuna sheegay in ay mar kastaba diyaar u yihiin wax allaale iyo wixii lagu hormarinaayo dhalinyarada in uu garab ku siinayo isaga iyo xarunta dhalinyarada ee uu ka shaqeeyo.
Mukhar Abib oo sanadkan u sharxan golaha deegaanka magaalada Helsinki ee dalka Finland ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu wax la qabto bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyaradda siiba jiilalka soo koraayo, Mr Abiib wuxuu dhalinyarada ku dhiira galiyay in ay wax bartaan sababtoo ah waxbarashada waxay idinka caawineysaa noloshiina iyo sidaad ula noolaa laheydeen bulshada aad u soo guurteen Mukhtar Abib oo ah shaqsi u diyaar ah horumarinta dhalinyarad Soomaaliyeed had iyo jeerna ka qayb qaata dhiira gelintooda .
Waxaa halkaa hadalo qiima leh ka soo jeediyey xoghayihii hore ee Ciyaaraha Fudud Cumar Ahmed jamac (dhagaweyne) isagoo dhalinyarada kula dardaarmay in Isboortiga lagu da.daalo oo aan la joojin, isagoo ku tilmamay Isboortiga in uu kaalin weyn kaga jiro aaladaha isku keeni kara bulshada noocyadooda kala duwan.
Ciyaarihii ka dib ayaa waxaa dhalinyadii 9 kooxood ka koobnaa loo sameeyay in la abaalmariyo iyadoo sanadkan 2012 loo gartay in uu noqday tababarihi kaalinta koowaad galay Axmadey Coloow oo muujiyey karti iyo dadaal una dhabar adeeygay sidii uu u horumarin lahaa dhalinyarada ka tirsan kooxdii uu tababaraha u ahaa ee Fc-Benaadir.
Waxaa sidoo kale isna abaalmarin lagu guddoonsiiyey tababarihii kaalinta labaad galay, Haashim Sheeq Hassan oo ah shaqsi u diyaar ah in uu mar walba tababar siiyo ciyaartoyda da,da yar waana tababaraha kooxda Fc-kanus.
Intaasi oo kaliye kuma koobanay ee waxaa isna sidoo kale abaalmarin la guddoon siiyay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa oo loo gartay in uu noqday Mubaarak Sullaymaan ahna kabtanka Kooxda Fc-Vuosaari oo aheyd kooxdii ku guuleysatay Koobka.
Gool-hayihii ugu wanaagsanaa waxaa loo gartay Guled Adan halaka shaqsigii ugu aqlaaqda badnaa uu noqday Saciid Adan(Saciid Dheere) oo dhamaan tood la abaalmariyay.Kooxdii ugu asluubta wanaagsaney waxaa loo gartay kooxda Länsi Helsinki , waxaan isna ka marnay oo abaalmarin halkaasi bilad sharaf lagu guddoon siiyay Musharax Mukhtar Abib oo u taagan golaha deegaanka Helsinki, wali faanoole fara kama qodna abaalmarintu waa aya soctaa oo waxaa kaloo la guddoonsiiyey kooxihii ku guuleystay kaalinta koowaad iyo labaad.
Abaalmarinta kadib ayaa waxaa hadalkii soo qatimaya guddoomiya ururka dhaqanka iyo Isboortiga ee dalka Finland (Socus ry) Axmed Abdullahi (Imad) kaasoo ballan qaaday in uu sii wadi doono horumarinta Isboortiga ee wadanka Finland isla markaana sanadka danbe uu balaarin doonaan tartankaan cayaaraha dhalinyarada Soomaaliyeed ee Finaland.
Gabo gabadii xafladan lagu maa muusay Helsinki Futsal Tournament (HFT 2012) ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf iyo mas,uuliyiin ka tisan bahda Isboortiga Soomaalida Finaland oo kala ahaa Cumar Axmed Jamac , Eng: Awey Abukar , Caaqil Maxamuud, Cabdi Deeq, C/qadir Biyoonde , Maxamed C/lle, Maxamed Ibrahim Gurey, Cali Shariif ,Axmadey colow, Cabdulkadir, C/fitaax.Abaajibil SNtv, Maxamed Muse Radio warsan, Somaliinfo, Somaliweyn iyo dad weyna u soo daawasho tagay intii ciyaarahaas lagu gudajiray.






Maxamed Bashiir -Info
Helsinki-Finland
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|