|
Hogaamiyaha Raaskambooni oo sheegay in Maamul loo samayn doono Gobolka Jubada Hoose
Mogadishu axad 28 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hogaamiyaha Raaskambooni oo sheegay in Maamul loo samayn doono Gobolka Jubada Hoose.
Hogaaamiyaha jabhada Raaskaambooni Axmed Madoobe oo BBC-da u waramayay ayaa ka dhawaajiyay inay socdaan qorshayaal maamul loogu dhisaayo gobolada Jubooyinka, kaasoo uu tilmaamay in lagu saleyn doono deegaan isla markaana kuraasta lagu qeybin dooni soda loogu kala badanayahay.
Waxaa uu meesha ka saaray Axmed Madoobe cabasidii la qabay ee aheyd in qabaa’ilada dega jubooyinka ay ku dagaalamaan maamul u sameynta goboladaasi, waxaana uu xusay in maamulada loo sameynayo jubooyinka ay hoostagayaan dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Axmed Madoobe gudoomiyaha Jabhada Raaskambooni ayaa dhaliilay qaabka beelaha wax loogu qeybado waxana uu soo dhaweeyay qorshaha midowga Afrika uu kaga gacan siinayo dowlada ee ah deegaan wax lagu qeybsado.
"Kuraasta waxaan ku qeybsaneynaa sida loogu kala badanyahay deegaanka" ayuu yiri Gudoomiyaha Ururka Raaskambooni Axmed Islaan Axmed Madoosbe oo dhinaca kale ka soo horjeestay dadka dibadaha ka imaanaya in loo dhiibo maamulka jubooyinka.
Wadaadkan hogaamiya Jabhada Raaskambooni ayaa dhanka kale ka hadlay dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab, waxana uu tilmaamay inay sii wadayaan dagaalka ilaa ay ka xureynayaan gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|