Somali News
    Hees  

Ururka Al-shabaab: "Maalni kasta dhiigooda ayaan ku daadin doonaa Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda Muqdisho iyo meelaha kale oo ay joogaan.."

Mogadishu axad 28 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Ururka Al-shabaab: "Maalni kasta dhiigooda ayaan ku daadin doonaa Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowladda Muqdisho iyo meelaha kale oo ay joogaan.."

Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaano "Cali Jabal" oo dhawaan Ururka Al-shabaab uu u magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa wacad ku maray in dhiig fara badan ay ku daadin doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Isagoo u waramayay Idaacada Al-andanus ee ku hadasha Afka Shabaabka ayuu tibaaxay in ciidamo dhowr nuuc isugu jira oo ka tirsan Al-shabaab inay ku suganyihiin gudaha magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu sheegay inay diyaar u yihiin weeraro silsilado ah oo ay ku qaadayaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

"Ilaa aan kaga saareyno dalka ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada, waan sii wadeynaa dagaalka mana joogsan doono, maalni kastana dhiigooda ayaan ku daadin doonaa Muqdisho iyo meelaha kale oo ay joogaan" ayuu si cara leh u yiri gudoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan gobolka Banadir.

Dhinaca kale waxa uu sheegay sarkaalkaasi shabaabka ah in maalin maalmaha ka mid ah ay dalka ka saari doonaan waxaa uu ugu yeeray cadowga Alle, hase yeeshee waxa uu xusay in ka saaritaankooda ay u baahantahay in shacabka Soomaaliyeed kala qeyb qaato.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)