Somali News
    Hees  

Kulan lagu taagerayay doorashadii Shalay Muqdisho lagu doortay Ubax Tahliil Warsame oo Muqdisho ka dhacday

Mogadishu axad 28 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kulan lagu taagerayay doorashadii Shalay Muqdisho lagu doortay Ubax Tahliil Warsame oo Muqdisho ka dhacday.

Boqolaal Haween ah ayaa maanta waxay kualn ay ku tagaeerayeen doorashii maalintii shalay ahayd Hotel Safari ee Muqdisho oo ay ugu doorteen gudoomiyaha ururka Haweynka qaranka soomaliyeed ku yeesheen magaladda muqdisho.

Kulankaasi oo ay ka qeyb galeen xubno fara badan oo Haween ah ayaa waxaa ay ku taagerayeen sida ay sheegen gudoomiyaha cusub oo ah Gudoomiyaha uururka haweenka Qaraanka Soomaliyeed oo ay u doorteen gabadha lagu magacaabo Ubax Tahliil Warsame.

Kulankaasi intii uu soconayay ayaa waxaa ka hadlay xubno haween ah oo ay ka mid ahaayeen Xildhibanadii hore ee Baarlamaakii Soomaliyeed ee dhacay sida Ex-Xildhibaanad Xawo C/laahi Qayaad, Sahra Cabdi Mahadale, Cadar Shabaq been, Xaawo Beled iyo xubno kale oo sheegay inay si weyn u taageersan yihiin doorashadda xorta ah ee maalintii shalay ahayd ay haweenka Soomalaiyeed u doorteen Marwo Ubax Tahliil Warsame, waxyna ka codsadeen inay si cadaalad iyo midnimo ku jirto ay ku hogaamiso xilkaasi culus ee loo doortay, waxayna xusuusiyeen inay qaaday xil adag oo u baahan deganaan iyo kalsooni buuxdda.

Xubnahaasi waxay kaloo ay ka codsadeen gudoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed marwo Ubax Tahliil inay haweenka Soomalaiyeed gaarsiiso horumar iyo barwaaqo mar hadii dawladda Soomalaiyeed ay ka baxday KMG- nimadii waxay sheegeen inay garab iyo gaashaan u noqon doonaan xilkaasi culus ee loo doortay oo weliba si xor ah u dhacay.

Marwo Ubax Tahliil Warsame oo iyadana Haweeynkaasi la hadashay ayaa sheegtay inay soo dhaweyneyso doorashadaasi loo doortay hogaanka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, wixii maanta ka dambeeyana ay dhaxdda u xeran doonto u adeegidda haweenka Soomalaiyeed, sidii ay horumar iyo baraare ku gaarsiin lahayd, iyadoo sheegtay inay wax weyn ka qaban doonto arrimaha caafiumaadka, waxbarashadda, gargaarka iyo samatabixinta haweenka Jilicsan ee dhibaatadda dilootay, iyadoo si gaar ah u xustay inay wax ka qaban doonto ay ugu horeyso sidii ay u deryeeli laheyd caruunta agoonta ah iyo kuwa u dhibaatadda haatan ka jira gobo badan oo dalka ka mid ah.










Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)