Somali News
    Hees  

Madaxweynaha soomaaliya: " Dowlada Somalia waxay muujineysaa sida ay uga xun tahay falkasta oo wax u dhibi kara xayiraada dhuxusha.."

Mogadishu axad 28 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha soomaaliya: " Dowlada Somalia waxay muujineysaa sida ay uga xun tahay falkasta oo wax u dhibi kara xayiraada dhuxusha.."

Dowladda Somalia waxa ay taagereysaa kuna adkeysaneysaa sii wadida xayirada dhofinta dhuxusha ee laga dhofin jiray dekedda magalada Kismayo kaasi oo dhaman wadamada ku jira golaha ammaanka ay siwada jira uqaateen go’aanka lagu joojinayo dhoofka dhuxusha ee dekedda Kismayo kasi oo dowladu hore golaha amaanka ugadalbatay islamarkana sheegtay in dhoofinta dhuxusha aaney dhib ku ahayn deegaanka oo keliya ee dadaalada amaankana ay qatar kutahay taasina aytahay sababta dowladu udalbatay xayirada lasaray dhoofka dhuxusha ee dekedda Kismayo.

Dowlada Somalia waxay muujineysaa sida ay uga xun tahay falkasta oo wax u dhibi kara xayiraada dhuxusha, iyadoo si taxadar leh ula socon doonta dhisina doonta guddi arrimahaasi si gaar ah ula socda.

Dowlada Somalia waxa aysiweyn usoo dhoweyneysaa guulaha lagaaray tan iyo lawareegidii Kismayo ee ciidamada dowlada iyo amisom iyadoo masuuliyada haatan ay leeyihiin hogaamiya yaasha gudaha ee deegaanka si ay umideeyaan ujedoyinka kaladuwan ee siyaasadeed kanajira gobolka oo idil siloosugo amaanka loona gaaro isfaham buuxa.

Dowlada Somalia waxa ay sicad umuujineysaa in ay taageersantahay oo kaliya garoonka iyo tikeda kismayo marka lafulinayo adeega shacabka sida kaalmooyinka bani aadanimo waxana arintaasi wakiil ka ah oo xaqiijinaya ciidamada dowlada iyo amisom oo kaliya int sida ugu dhaqsiyaha badan lagasoo dhisayo maamul dowli ah.

Dowlada Somalia waxa ay ogsoon tahay in dadka kismayo ka soo daaleen fowdo iyo dhibaatooyin ragaadiyay oo ka dhashay siyaasado guracan oo horkacayeen qab-qablayaal dagaal iyo kooxo mayal adag, taasina ay keentay hada inay shacabku daaleen diyaarna u yihiin inay gaaraan nabad iyo horumar buuxa.

Sidaa daraadeed xayirada dhuxushuna waa mid sidaas usaarnaan doonta tikeda tan iyo inta dowlada sameyn donto qorsho lagumaamulo arimahaasi.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)