|
Xujey Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay ilaa 4-ruux oo ku dhimatay Sacuudiga
Mogadishu axad 28 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Xujey Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay ilaa 4-ruux oo ku dhimatay Sacuudiga.
Wararka laga helayo dalka Sucuudi Carabiya waxaa sanadkaan dalkaasi ku geeriyooday qaar ka mid ah Soomaalida Sanadkaan Gudaneysa Waajibaadka Xajka.
Xujayda Soomaalida ee ku geeriyootay Xajka sanadkaan ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 4-ruux, iyadoo afartaasi laba ka mid ah ay ku geeriyoodeen shilal baabuur.
Soomaalida Xujayda ee sanadkaan ayaa la sheegayaa inay halkaasi ku haysato adag oo dhinaca nolosha ah kuwaas oo la soo sheegayo in badan oo ka mid in aaney haysan nolol kaafi karta, mana jirto baahidooda ilaa iyo iminka cid wax ka qabatay.
Mid ka mid ah Soomaalida ka soo xajisay Dalka Mareykanka oo la hadlay Idaacadda VOA-da laguna Magacaabo Cismaan Axmed Sheekh ayaa u heegay in Dadka ka yimid Soomaaliya ee Xujeyda ah aysan helin adeegyadii ay u baahnaayeen, isla markaana aysan ku imaan nidaam ay iskaga war hayaan.
Sanadkaan ayaa la sheegay in Dadkii ugu badnaa oo Soomaali ah ay Gudanayaan Xajka ku was oo ka kala yimid Soomaaliya iyo Aduunka oo dhan, iyadoo saacadaha soo socda ay Xujayda Soomaalida iyo kuwa Caalamkaba ay ku laaban doonaan ruux walba halkii uu ka soo xajiyay.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|