Somali News
    Hees  

Qaban Qaabada Ciyaaraha Soomaalida AFT 2012 oo ka socota dalka Holland

Holland axad 28 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qaban Qaabada Ciyaaraha Soomaalida AFT 2012 oo ka socota dalka Holland.

Hirda Amsterdam Fustel Tournament (AFT-2012) ayaa sanadkaan la filayaa in uu ka duwanaado 7-dii sano ee uu ciyaarahaan soo socday, iyadoona Maamulka Hey'adda HIRDA ay sheegeen in sanadkaan uu noqon doono Mid taariikh ku reeba Isboortiga Soomaalida dalka Hollnad.

Agaasimaha Guud ee Hey'adda HIRDA Marwo Faadumo Faarax oo ka hadashay Qaban qaabada Ciyaaraha AFT ee December 2012, ayaa waxa ay sheegtay in meel wanaagsan uu marayo qaban qaabada Ciyaaraha sanadkaan iyadoona dhinaca kale xustay in Sanadkaan Ciyaaraha uusan ku ekaan doonin oo kaliya dhinaca Fustelka, isla markaana ay dhici doonaan Ciyaaro ay ka qeyb galaan Kooxo gabdho ah.

Faadumo Faarax ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Ciyaaraha AFT December 2012 ay sanadkaan kasoo qeyb gali doonaan Kooxo ka kala socda Wadamo ay ka mid yihiin Norwey, Ireland, UK, Swtzerland iyo wadamo kale oo ka tirsan qaarada yurub iyadoona aysan ka marneen Kooxaha ka dhisan dalka Holland.

Mid ka mid ah Qaban qaabiyaasha Hey'adda HIRDA u xilsaaran dhinaca tartanka Sa'iid Handulle ayaa sheegay in weli ay isa soo tarayaan kooxaha isa soo diiwaan gelinaysa ee dadaalka xoogan ugu jira in ay sanadkaan kasoo qeyb galaan Ciyaaraha Amsterdam Fustel Tournment 2012.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan illaa iyo 4 kooxood oo wiilal iyo Gabdho Basketball Soomaali ah oo sanadkaan ka qeyb gali doonaan Ciyaaraha HIRDA ee 2012, iyadoona ay noqon doonto taariikhda Marka ugu horeeso dalka Holland oo lagu qabto Ciyaaro Gabdho Soomaali oo Bassketball ah.

21-December 2012, ayaa la filaya in ay Magaalada Amsterdam ka dhacdo Xaflad balaaran oo furitaan u ah Ciyaaraha AFT, iyadoona 22-December 2012, uu si toos ah u furmi doono Ciyaaraha, iyadoona uu soo gaba gaboobmi doono 24-December 2012, waxa ayna ciyaarahaan ka dhici doonaan Garoonka dadan ee Sporthallen Zuid Amsterdam.



Salah Hassan Omer [Salah Dheere]
Amsterdam - Nederlands.
Email: s.dheere@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)