Somali News
    Hees  

Dawlada ingiriiska oo bilawday in ay aqoonsiga sharci ku joogista wadankasi kala laabato Somalida lagu eedeyo in ay xiriir la leeyihin Al-Shabaabka Soomaaliya

Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Dawlada ingiriiska oo bilawday in ay aqoonsiga sharci ku joogista wadankasi kala laabato Somalida lagu eedeyo in ay xiriir la leeyihin Al-Shabaabka Soomaaliya.

Sida lagu qoray wargeska kasoo baxa wadanka biriten The Mail on Sunday ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha wadanka biriten ay dib ugala laabatay jinsiyada biriten qof muslim ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka somalia kaasi oo looga shakiyay in uu xiriir dhaw ah la leyahay xarakada al-shabab.

Sagaal go'aano oo ay soo saartay wasarada arimaha gudaha wadanka biriten ayaa lagu sheegay in dadka waxyaabahasi oo kle looga shakiyo laga qaadayo sharci ku jogista wadankasi biriten ama jinsiyada qofka aan asal ahaan kasoo jeedin wadankasi sida laga soo xigtay wasiirka arimaha gudaha wadankasi haweyneda lagu magacabo taresa may.

Jariidada The Mail on Sunday ayaa sidoo kale carabawday in mahdi xaashi oo 23-sano jir ah laga mamnuucay in uu helo basaboorka wadanka biriten iyo taagero uu ka helo qunsuliyada biriten ay ku ledahay wadankasi si uu ugu laabto wadanka biriten,waxa la rumaysan yahay in mahdi uu kui xiran yahay wadanka jabuuti.

Mrs may ayaa sheegtay in mahdi laga qadayo aqoon si ku joogistii wadankasi waxana ay sidaan oo kale ay goaano uga soo saartay shaqsiyaad muslim ah oo kasoo jeda wadankasi biriten.

Jariidada ayaa tilmaantay in mahdi iyo qoyskisa ay 18-sano ku nolayan gudaha wadanka biriten halka ay sanadii 2009 ay dib ugu soo l;abteen magalada Muqdisho.

Mrs may ayaa goaanadasi u tiirsatay sirdoonka wadankasi oo soo saaray in shaqsigasi uu xiriir laleeyahay kooxda al-shabab ee somalia qatarna uu ku yahay amnida boqortooyada wadankasi.

Sarakisha sirdionka ayaa u soo bandhigay mhadi in uu iyaga la hawgalo balse arintasi uu ka dhaga adeegay.

Tiro muwadinin somalia ah ayaa wxa ay ka qeyb qaten weeraradii sandii 2005-ta ka dhacay magalada london ee casimada wadanka biriten halkasi oo tobaneeyo dad ah ay ku geeriyoden.

Jaaliyadaha halkasi kusugan e kui nool wadanka biriten ayaa ah kuwo wadankasi ku gaaray iyagoo magan galyo doon ah xiligi 9-gaashameeyadii oo ay dagalo sukeeye ka jireen somalia kuwasi oo badan kooda helay jinsiyada ama sharci ku joogista wadankasi.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)