Somali News
    Hees  

Gen. Diini : "Marna ma dhaafi doono kuwii dilay Ge. Goordan Taliyihii Guutada Shanaad.."

Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gen. Diini : "Marna ma dhaafi doono kuwii dilay Ge. Goordan Taliyihii Guutada Shanaad.."

Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Gen. C/qaadir sheekh Cali Diini oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa wacad ku maray inaan la dhaafi doonin kuwii shalay dilay Taliyaha guutada shanaad ee ciidamada Militariga Soomaaliya Gen. Maxamed Ibraahim Faarax "Goordan" oo jidgooyo loo dhigtay isaga iyo ciidamadiisa shalay ku geeriyooday.

Waxaa uu sheegay Taliyaha guud ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed in ay baariyaano adag ka wadaan halka lagu dilay taliyaha, waxaana uu ku hanjabay in gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii ka danbeeyay dilka Taliyaha.

Gen. Diini ayaa xusay Taliyaha la dilay kaalinta uu ku lahaa arimaha Miltariga iyo hogaanka ciidanka,waxaa uu carabka ku dhiftay inuu ahaa nin aad muhiin u ah.
Dhinaca kale kooxda Al-shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka gaadmada ah ee lagu dilay Taliyaha guutada shanaad ee ciidamada Militariga, walow Shabaabku goor danbe ay sheegteen masuuliyadaasi.

Gen. Goordan ayaa aas qaran loo sameyn doonaa, iyadoo meydkiisa maanta la soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in lagu aasi doono Muqdisho.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)