Somali News
    Hees  

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo ka qayliyay dhibaatada lagu hayo Soomaalida u soo safaraysa Kenya

Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo ka qayliyay dhibaatada lagu hayo Soomaalida u soo safaraysa Kenya.

Maxamed Cali Ameeriko Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Kenya ay dhibaato ku qabaan baaritanno xad dhaaf ah oo ay marsiiso dowladda Kenya.

Danjire Ameriko ayaa sheegay in Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya laba mar la baaro, isagoo sheegay in marka hore lagu baaro Wajeer marka ay Nairobi tagaanna mar kale baaritan lagu Sameeyo.

Danjire Ameriko ayaa sheegay in ay tahay qalad ay Dowladda Kenya ka galeyso shacbiga Soomaalida, wuxuuna sheegay in dowladda Kenya uu kala hadlay in dadka ka soo safraya Soomaaliya laga dhaafo baaritannada faraha badan ee la marsiiyo.

"Soomaaliya haatan waxaa ka jira nabad la isku halayn karo, garoonka Muqdishana ammaankiisa waa mid si aad ah loo adkeeyay" ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya.

Danjire Ameriko oo Wareysi siiyay idaacadda Bar-kulan, wuxuuna si aad ah u sheegay in Soomaalida dhibaato badan ay kala kulmaan Dalka Kenya, isagoo cadeeyay inuu taasi si uu wayn uga hadlay Dowladda Kenya, kana dalbaday in dhibaatada laga dhaafo Soomaalida u soo safraysa Kenya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)