|
Malayshiyaadka Al-shabaab oo xalay weeraray guriga gudoomiyaha Degmada Bardaale
Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Malayshiyaadka Al-shabaab oo xalay weeraray guriga gudoomiyaha Degmada Bardaale
Inta la ogyahay ilaa afar qaf oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen ka dib dagaala xalay ku dhexmaray degmada Bardaale ee gobolka Bay Ciidamada Dowlada Soomaaliya Iyo Malayshiyada Alshabaab.
Dagaalka ayaa bilaawday ka dib markii Malayshiyada Alshabaab ay weerareen guriga gudoomiyaha degmada Bardaale ee Maamulka Dowlada xubno ka tirsan maamulka dowlada ayaa sheegay in ay ka war heleen weerarka kaga soo wajahnaa dhinaca Alshabaab.
dhinaca kale Afhayeen Al-shabaab u hadlay ayaa sheegay in weerarkaa ay iyagu ka dambeeyeen ayna ku dileen askar ka tirsan ilaaladoo guddoomiyaha degmada Bardaale ee gobolka Bay, inkastoo aanu jirin warar ka madax banaan sheegashada Alshabaab.
Degmada Bardaale ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ku yaalla gobolka Bay oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya, taasoo ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ay ka qabsadeen Al-shabaab horraantii sannadan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|