|
Prof. Jawari : "Qorsha Howleedka Baarlamanka Afarta sanno ee soo socota waa la xisaabtanka waxqabadka xukuumadda.."
Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Prof. Jawari : "Qorsha Howleedka Baarlamanka Afarta sanno ee soo socota waa la xisaabtanka waxqabadka xukuumadda..".
Guddoomiyaha Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka xogwaraamay qorshe howleedka loo dejinaayo Baarlamaanka cusub ee Soomaaliyeed Afarta sanno ee soo socota haddii Alla idmo isagoo sheegay in howlaha ugu badan ee uu qabandoono ay nooqonayaan Xubnaha Baarlamaanka la xisaabtanka hawlaha kala duwan ee Xukuumadda.la dhisi doono.
Prof Jawaari oo habeenkii xaley ahaa la hadlayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho oo uu siiyay warkaan ayaa tilmaamay in howlaha xubnaha golaha Baarlamaanka muddada Afarta sano ee soo socota ee haatan lagu howlan yahay uu baarlamaanku diiradda saari doono islamarkaana uu baarlamaanku mudnaanta koowaad siin doono la xisaabtanka Xukuumadda.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka oo sii hadlayay ayaa intaa waxa uu ku daray in Baarlamanku uu noqon doono mid guta waajibaadkiisa qaran ee loo egmaday, isagoo horseed u noqon doona samatabixinta shacbiga Soomaaliyeed iyo wadashaqeyn wanaagsan oo uu la yeesho Hey’adaha kale ee dowladda, si bulshada loogu horseedo nidaam ku dhisan is xisaabin iyo maamul wanaag, si meesha loogaga saaro waxyaabihii la degay dawladihii ka horeeyay dawladda haatan jirta.
Prof. Jawaari ayaa carabka waxaa uu ku adkeeyay in qorshe howleedka Cusub ee Xubnaha Baarlamanka ee Afarta sano ee socota uu noqon doono la xisaabtanka xukuumadda si meesha looga saaro wax kasta oo mugdi geli kara maamul wanaagga dawladda , hay'adaha dowladuna ay u noqdaan kuwo heysta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, isla markaana awood u yeesha wax ka qabashada dhibaatooyinka muddada dheer ka jiray guud ahaan dalka Soomaliyeed.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|