|
Marxuum weriye Tuuryare oo saacadaha soo socdda Muqdisho lagu aasi doono
Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Marxuum weriye Tuuryare oo saacadaha soo socdda Muqdisho lagu aasi doono.
Allaha u naxariistee waxaa saacadaha soo socdda lagu wadaa in magaaladda Muqdisho lagu aaso marxuum Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Dhaawac ka soo gaaray koox hubeysan oo todobaadkii la soo dhaafay ku weeraray degmadda Madiina ee magaaladda Muqdisho xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.
Marxuumka Wariyaha ah oo xalay ku geeriyooday gudaha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu dhaawac ahaan ugu jiray todobaadkaan oo dhan ayaa geeriyooday kadib markii uu xanuunkiisa isa soo tarayay saacadihii la soo dhaafay, taasina ay kentay in uu nafwaayo waxaana haatan magaaladda Muqdisho ka soconaya qabanaqaabo guud oo loogu jiro in saacadaha inagu soo aadan lagu asturo meeydkiisa kadib marka laga soo qaado cusbitaalka Madiina
Qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacada Shabeelle ayaa sheegay in aaska marxuumka inay ka qeyb galayaan tiro badan oo ka mid ah axsaabtiisa horay uu la shaqeyn jirtay, weriyayaasha magaaladda Muqdisho iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum weriye Tuuryare.
21-Bishan ayeey aheyd markii kooxo hubaysan ay ku dhaawaceen Wariyaha Degmada Wadajir gaar ahaan Xaafada Xaawo Taako xilli uu halkaasi ku sugnaa oo uu u sii hoyanayay gurigiisa oo ka agdhawaan halka lagu dhaawacay marxuumku.
Geerida marxuum Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare ayaa waxa ay ka dhigaysaa sanadkaan oo kaliya inta ay kooxo hubeysan weerareen ayna dileen qaarna ay dhaawaceen wariyeyaasha Soomaaliya ilaa 17-wariye iyadoo dhawaan Magaalada Laascaanood lagu toogtay mid kamid ah wariyeyaasha ka howlgala deeganada maamulka Soomaaliland.
Ilaa iyo hadda ma jiraan haba yaraatee cid loo soo qabtay dilalka qorsheysaan ee loo geeysanaayo weriyayaasha Soomaaliyeed haday joogaan Muqdisho oo ah caasimadii dalka Soomaliyeed iyo hadii ay joogaan goboladda iyo degmooyinka dalka Soomaliyeed oo dhan, kuwaasi oo qaarna la dilay qaarna la dhaawacay qaar kalana ay dalka isaga carareen kadib markii aya soo gaareen hanjabaado kulkulul oo loogu sheegaayo in la dili doono, sidoo kale waxaa taasi barbar socday dilal kale oo iyana loo geeysanayay Nabadonadda, waxgaradka, haweenka, dhalinyaradda,saraakiisha ciidamadda iyo dadka aanan waxba galabsan ee birimageydadda ah .
Dilalkaan ayaa dadka qaarkood waxay dusha u saaraan kooxdda Al-Shabaab marka laga reebo koox yar oo loogu yeero kooxo hubeysan oo aanan la garaneynin, isla markaasna aanan la ogayn cidda ay sida gaarka ah u hoostagaan oo soo dirsata.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|