Somali News
    Hees  

Xaflad aad u qurux badan laguna maamusayey Ciidul adxa ayaa lagu qabtey magaalada söderhamn ee dalka Sweden

Söderhamn Isniin 29 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad aad u qurux badan laguna maamusayey Ciidul adxa ayaa lagu qabtey magaalada söderhamn ee dalka Sweden.

Xafladan oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada kana ka kala yimid dhamaan gobolka Gävleborg ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Jaaliyada Ummadda Soomaaliyeed ee södehamn waxaana ugu horeyntiiba hadala kooban oo isugu jirey hambalyada ciida iyo wacyigelin ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudana Axmed Aadan Guuleed wuxuuna farta ku fiiqey ahmiyada ballaaran ee ay u leedahay umadda muslimiinta ah munaasabada ciida iyo sida loogu baahan yahay bulshada soomaaliyeed oo boqolkiiba boqol ah ummad muslim ah in ay u weyneeyaan una farxaan maalintaan oo kale iyadoo ay aad u sii fiican tahay in aan taakuleeyno walaaleheena soomaaliyeed ee ku dhinaateysan dalkii si ay noola qeybsadaan farxada maalinta ciida ayuu ku soo koobey hadalkiisii.

Sidoo kale bulshada ka soo qeybgashey Xaflada gaar ahaan dadka degen magaaladan söderhamn ayaa iyagoo aad u faraxsan waxey si wada jir ah ugu dhawaaqeen in loo baahan yahay adkeynta midnimada iyo in la muujiyo isku duubnidda isla markaana la iska kaashado wax walboo yimaada.

Dhanka kale waxaa halkaas lagu soo bandhigey suugaan kala duwan iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo ay si aad ah uga heleen dadkii halkaas isugu yimid iyadoona ay halkaasi si wada jira u soo buux dhaafiyeen dhamaan fanaaniinta caanka ah ee gobolka Gävleborg,sidoo kale waxaa halkaas ka muujiyey wacdaro gabdhaha dhalinyarada ah ee magaalada Söderhamn.

Ma aha markii ugu horeysey oo lagu qabto xaflad sidaanoo kale ah magaalada söderhamn waxaa horey laagu qaban jirey dhamaanba munaasabadaha kala duwan oo lagu xuso maalmaha taariiqiga ah oo ay dhigaan soomaalida qurbaha ku nool.







Fardowsa Sh Xasan Kuriya

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)