|
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in la soo gabagabeeyay Tirakoob uu ka waday shan degmo
Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in la soo gabagabeeyay Tirakoob uu ka waday shan degmo
Afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen Tirakoob maamihii ka soo dhaafay ay ka wadeen shan degmo oo ka mid ah Gobolka Banaadir, isagoo tilmamaay in diwangelintaasi ay kala qeybqaateen shacabka ku nool degmooyinka la tirakoobay.
Maamulka gobolka Banaadir waxa uu shaaca ka qaaday in uu soo gabagabeeyay Tirkoob iyo diiwaan gelin uga socotay sahn degmo oo ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana uu maamuku sheegay inay guda geli doonaan diiwaanta gelinta iyo tirakoobid degmooyin kale.
"Diiwaan-gelinta waxaa nagala qaybqaatay shacabka ku noo degmooyinkaas iyo maamullada ka jira, waana uga mahadcelinaynaa howshaas ay nala fududeeyeen," ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir oo aan sheegin xilliga la billaabayo howsha tirakoob ee degmooyinka kale.
Degmooyinka la tirakoobay ayaa kala ah: degmada Xamarweyne, Xamarjajab, Shiibis, Cabdulcasiis iyo Waaberi, waxaana dhawaana la billaabi doonaa sida maamulku uu sheegay degmooyinka kale ee haray.
Tallaabadan lagu tirakoobayo shacabka ku nool Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo caasimadda laga sameeyo tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaailya sannadkii 1991-kii iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay ay Muqdisho ka jireen colaado kala duwan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|