|
Kooxo hubaysan oo Nabadoon caan ah ku dilay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan
Mogadishu Talaado 2 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Kooxo hubaysan oo Nabadoon caan ah ku dilay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu Dilay Nabadoon Caan ka ahaa Magaaladaasi oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Bare Maxamed.
Nabadoonka oo si weyn looga yaqaanay magaalada Baladweyne ayaa la soo shegayaa in wax yar uun ka hor labo nin oo bastoolado ku hubeysan ay ku dileen albaabka Gurigiisa, isagoo markaasi nabadoonka isku diyaarinayay Salaada Casir.
Marxuumka la dilay ayaan ilaa iyo hada la ogayn sababaha ka dambeeya dilkiisa, hase yeeshee Magaalooyinka laga Saaray Al-Shabaab ayaa waxaa caadi ka noqotay in mar walba lagu dilo dadka bulshada indhaha u ah.
Dilalalka loo geysto dadka Shacabka ah ayaa sidoo kale iyana maalmahaan dambe ku soo badanaaya Magaaalada Kismayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, waxaana arrintaan noqotay mid caadi ka ah deegaanada laga saaray Al-Shabaab.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|