Somali News
    Hees  

Roobab Xoog leh oo ay ku diirsadeen dadka iyo Duunyadda oo Ka da’ay Gobollada dhexe ee Dalka Soomaaliya

Mogadishu Talaado 2 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Roobab Xoog leh oo ay ku diirsadeen dadka iyo Duunyadda oo Ka da’ay Gobollada dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Wararka laga helaayo qaar ka mid ah goboladda Dhexe ee dalka Soomalaiaya, gaar ahaan goboladda Mudug iyo Galgaduud ayaa sheegaaya in saacadihii ugu dambeyay ay halkaasi ka soconayeen Roobab ay si weyn ugu diirsadeen dadka iyo duunyadda ku nool gobollada dhexe ee dalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo goboladaasi ayaa waxaay sheegaya in roobabku ay gobolkaasi ka da’ayeen xalay ilaa iyo maanta, islamarkaana ay dhul badan biyo dhigeen, iyadoo ilaa iyo haatan aanan la soo sheegen wax dhibaato ah oo ay geysteen intii ay socden roobabkaasi.

Waxaa lagu soo waramayaa in gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeedda iyo deegaano ku dhaw oo ka tirsan gobolkaasi ay xalay ilaa iyo maanta ay ka da’ayaan roobab lexaad leh kuwaasi oo qaarkood saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka ka hawlgalla deegaannada gobolka Mudug.

Inta badan gobollada Dalkeenna ayaa waxaa ka da’aya xiligan roobabkii Dayrta, balse gobollada Mudug iyo Galgaduud oo hada ka mid ah meelaha ay roobabku sida weyn uga da’een ayaa horey waxaa uga jiray deegaanno ka tirsan biyo badan roobabakaasi dhigeen, hase yeeshee roobabka haatan soconaya ayaa waxay siweyn u saameeyeen dadka iyo duunyadda ku dhaqan gobolada la deriska ah goboladaasi sida hiiraan oo uu ku soo fatahay webiga shabeele kaas oo waxleelo ba,an u geestay dad iyo duunyo sababayaana dhimasho dad iyo duunyo iskugu jira.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)