|
Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu tago Magaalada baladweyne ee Gobolka Hiiraan
Mogadishu Talaado 2 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu tago Magaalada baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Garoonka diyaaradaha mgaaladaasi ay ay haatan ku sugan yihiin dadweyne fara badan, kuwaasi oo doonaya inay soo dhaweeyaan Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo daqiiqadaha soo socda ka degaaya garoonkaasi.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay halkaasi kulamo kula yeeshaan madaxda gobolkaasi, iyadoo Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah Howlgalka Ciidamada AMISOM ay si buuxda u adkeeyeen ammaanka Magaaldaasi.
Wararku waxay sheegayaan in magaalada Beladweyna maanta ay tahay mid bandoow ah, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada oo ay si aad ah u buuxaan ciidamada AMISOM, kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa ujeedada ugu wayn ee ay halkaasi u tageen waxaa ugu horeeya fatahaado khasaare lixaad leh gaystay dadka ku dhaqan magaalada baladweyne, iyadoo madaxweynaha uu u kuurgalaayo xaalada dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan , gaar ahaan Magaalada Baladweyne.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|