Somali News
    Hees  

Xaflad Aad u weyn isuguna jirtey Taageerada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo sanadguuradii lixaad ee maamulgoboleedka Galmudug ayaa xaley lagu qabtey magaalada Stockhlom ee dalka Sweden

Stockholm Talaado 2 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad Aad u weyn isuguna jirtey Taageerada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo sanadguuradii lixaad ee maamulgoboleedka Galmudug ayaa xaley lagu qabtey magaalada Stockhlom ee dalka Sweden.

Xafladaan oo ahayd mid si aad u wanaagsan looga soo shaqeeyey ayna soo abaabuleen jaaliyadda Galmudug ee Sewden ayaa waxaa ka soo qeyb galey dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Kuwaasoo ka kala yimid guud ahaan gobollada dalka Sweden iyagoona u hambalyeeyey Madaxweynaha federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarmaanka prof. Maxamed Cusmaan Jawaari waxayna Ilaaheey uga baryeen in uu la garabgalo xilaka culus ee loo magacaabey. Dhanka kale waxey hambalyo u direen Madaxweynaha maamulka Galmudug Gen. Cabdi Xasan Cawaale ( Qeybdiid) iyo bulshoweynta Galmudug oo ku guda jirta dabaaldega sanadguuradii lixaad ee ka soo wareegtey markii dhidibada loo Aasay maamulka Galmudug, iyagoona ku amaaney horumarka uu sameeyey maamulka.

Dhanka kale Fanaaniin soomaaliyeed oo caan ka ah dalkeena hooyo kana kala yimid gobolada Dalka Sweden iyo dalka Ingriiska ayaa wacdaro ka dhigey Xaflada iyagoo halkaas ka qaadey suugaan wadaniya oo soo jiitey dhamaan dareenka dadkii ka soo qeyb galey xaflada, sidoo kale waxaa tix baraanbura oo ay aad uga heleen dadkii joogey xaflada halkaas ka tirisey Abwaanad Nasteexo Maxamed (Nasteexo Foodxuux) oo ka mid aheyd qabanqaabiyaasha Xaflada.

Dadkii ka hadley Xafladda oo ay wajiyadooda farxad ka muuqato ayaa wax lagu farxo ku tilmaamey howlaha ku dayashada mudan ee ka socdo deegaanada maamulka Galmudug sida amniga iyo dhismaha madaxtooyada Galmudug oo iskaa wax u qabso lagu dhisayo taasoo ay ku amaaneen Madaxweynaha Maamulka Galmud Gen, Cabdi Xasan Cawaale( Qeybdiid).

Cali Axmed Xeyd oo ka mid ahaa Qabanqaabiyaasha Xaflada ayaa gabogabadii xaflada ku nuuxnuuxsadey Halka xaflada lagu dhigayo in ay tahay halkii lagu Aas-aasey Maaamulka Galmudug ayna hiil iyo hoo la garabtaagan yihiin.
Guud Ahaan xafladan oo aheyd mid aad u qurux badan ayaa waxey ku dhamaatey sidii loogu talogaley.













Maxamed C/qaadir Daahir (Ashraf)
Stockhlom Sweden

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)