Somali News
    Hees  

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada nabad sugidda Qaranka oo guri ku yaala Ceymiska Muqdisho ka soo qabtay hub, bambooyin iyo rag ka tirsan AlShabaab

Mogadishu Talaado 2 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Howlgal ay sameeyeen Ciidamada nabad sugidda Qaranka oo guri ku yaala Ceymiska Muqdisho ka soo qabtay hub, bambooyin iyo rag ka tirsan AlShabaab.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee nabad sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo dad iyo hub lagu soo qabtay ka fuliyay wadada warshadaha , iyagoona guri ku yaala Ceymiska ka helay bambooyin, hub iyo rag ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Howlgalada xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ayaa la sheegayaa in ciidamadu ay guri guri u galeen dhammaanba guryaha ku yaala Ceymiska, iyagoona markii dambe qabqabtay dhallinyaro qaarkood ka tirsan ururka Al-Shabaab, halka qaar kalena looga shakiyay inay inay la shaqeeyaan.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada nabad sugidda dowladda ay halkaasi ka heleen bambooyin casri ah oo isugu jira kuwa waddooyinka lagu aaso iyo kuwa meelaha dheedheer laga hago ee ku shaqeeya Remut Control-ka.

Sarkaal u hadlay ciidamada xalay howlgalada ka fuliyay guryaha Ceymiska magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaafadaha Ceymiska, Koka Kola iyo Ceelka Cali Turcaaye oo ka wada tirsan degmada Yaaqshiid ay gacan ku siiyeen dadka degaanka.

Howlgalada xalay ka dhacay xaafado ka tirsan degmada Yaqshiid ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Taliyaha Nabad sugidda Dowladda uu sheegay inay la wareegayaan gurigii lagu helo walxaha qarxa iyo rag ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)