Somali News
    Hees  

Xisbiga Hiilqaran faraca Sweden oo kulan seminaar labo maalmood soconayay ku yeeshay duleedka magaalada Örebro ee bartamaha Sweden

Örebro Talaado 2 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xisbiga Hiilqaran faraca Sweden oo kulan seminaar labo maalmood soconayay ku yeeshay duleedka magaalada Örebro ee bartamaha Sweden.

Waxaa duleedka magaalada Örebro ee bartamaha Sweden, taariikhdu markay ahayd 28-29:ka bisha September 2012, lagu qabtay kulan seminaar loogu tala galay xubnaha faraca xisbiga Hiilqaran Sweden.

Seminaarkan oo ay ka soo qayb galeen xubno badan oo ka tirsan faraca xisbiga Hiilqaran Iswiidhan ayaa maalin nimadii Jimcaha 28:ka bisha September ka furmay xarun loogu tala galay siminaarada iyo xagaa’baxa ee ku taala duleedka magaalda Örebro.

Ujeeddada siminaarkan ayaa ahayd sidii loo dar dar gelin lahaa dhaqdhaqaaqa faraca xisbiga Hiilqaran ee Sweden, iyo sidii mabaadii’da xisbiga loo gaarsiin lahaa dhammaan Soomaalida ku nool Sweden.

Kulankan seminaarka ayey sidoo kale xubnaha xibiga ku eegeen Axdiga guud ee Hiilqaran iyo kan faraca HiilQaran Sweden,

Xarrunta faraca Xisbiga Hiilqaran Sweden ayaa la aasaasay bartamahihi sannadkii tagay ee 2011 kulankanina waxa uu noqonayaa kii labaad oo ay isugu yimaadaan xubnaha faraca Xisbiga Hiilqaran Sweden.













Hassan Osman
Örebro Sweden

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)