|
Hambalyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Somaliyeed
Malmö Talaado 30 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Anigoo ku Hadlaya Magaceyga
Asha Omar Geesdiir

Waxaan U hanbalyeynayaa Marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale Xilka Gudoomiynimo ay qabatay.
Anigoo ah, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaliyeed kadib Markii gudiga fulinta ee ururka haweenka qaranka iyo Batuulo Axmed Gabale u istaageen in ay badbaadiyaan Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed si uu u dhisnaado, wanaagii dumarka Somaliyeed ay u sameeyeana oo ahaa in Qaranka Somaliyed soo laabto oo aan ka talaabno qabiilka.
Ayaan waxaan gartay in wanaag wax walba lagu xaliyo, xilkii gudoomiye aan hayeyna aan ku wareejiyay Batuulo Axmed Gabale oo aan u arko in ay tahay qof xilkas ah, horena ula soo shaqeysay ururka haweenka somaliyeed.
Marwo Batuulo waxaan ku leeyahay hanbalyo ilaahna waxaan kaaga baryayaa in uu kheyrka ku waafajiyo xilka aad qaaday maha mid yar waana mid ku bilowday xuriyad iyo dumar iskood isu xilsaaray in ay haweenka wax u qabtaan si democrati ahna leysu doortay iyadoon qabiil lagu saleyn waxaan kaa rajeynayaa in aad sidaa ku sii wado gabdhaha dhalinyarada ahna ka muuqdaan doorkooda insha allah. Anigana marwalba haweenka soomaaliyeed codkeyga xoogeyga iyo maalkeygaba waan ku taageerayaa waxii leyga baahdana uruka qaranka diyaar ayaan ula ahay hadii alla idmo.
Dhamaan Haweenka Soomaliyeed ee aan wada shaqeynay amma hajoogeen Muqdisho, Puntland,Galmudo, Ururada kala duwan ee aan wada shaqeynay wasiirada, xildhibaanada, gudoomiyayaasha degmooyinka iyo gobolada dhamaan inta shaqo haba yaraatee aan wax isla qabanay waxaan idin leeyahay waan ku faraxsanaa barashadiina iyo la shaqeyntiinaba ilaahna waxaan ugu mahad celinayaa barashadiina wana idin jeclahay dhamantiin.

Shaqo wanaagsan dhamaantiin sabar badan iyo is cafin ayaan idinkula dardaarmayaa
Asha Omar Geesdiir
Gudoomiyihii Hore ee Ururka Haweenka Qaranka Somaliyeed
asha.geesdiir@gmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|