Somali News
    Hees  

Muqdisho oo dib umilcsaneesa Falal Amaan dari & Dilal Qorsheysan

Mogadishu Talaado 30 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Muqdisho oo dib umilcsaneesa Falal Amaan dari & Dilal Qorsheysan

Dabley hubeysan ayaa siyaabo kala duwan xalay ugu dilay degmooyinka Wardhiigley iyo Waaberi ee gobolka Banaadir laba qof oo mid ay ahayd haweeney iyo abwaan ka tirsanaa idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.

Abwaan Warsame Shire Cawaale oo 60-jir ahaa ayaa waxaa kaddib salaaddii maqrib ee xalay lagu toogtay meel ku dhow gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi, iyadoo kooxihii dilay ay ka baxsadeen goobta.

"Kooxo dhuumaaleysanaya ayaa dilay abwaanka, markiibana way baxsadeen, waana abwaankii labaad ee ka tirsan Idaacadda Kulmiye oo sannadkan lagu dilo magaalada Muqdisho," ayuu yiri agaasimaha idaacadda Kulmiye, Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo la hadlay warbaahinta.

Maydka abwaanka ayaa isla xalay la dhigay isbitaalka Daarul-shifa oo ah mid gaar loo leeyahay oo ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama, waxaana lagu wadaa in saakay lagu aaso Muqdisho, iyadoo la xusuusto in shalay la aasay wariye dhaawac horay u gaartay u dhintay.

Laba bilood ka hor ayay ahayd markii Abwaan Cabdi Malaaq Marshaale oo ka mid ahaa shaqaalaha idaacadda Kulmiye lagu dilay isla degmada Waaberi, iyadoo ay ka baxsadeen goobta kooxihii dilkiisa geystay.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Abwaan Cawaale dhowr jeer hanjabay dil ah loo soo diray, kaddib markii uu eedeymo dhowr ah u jeediyay xoogagga Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda dowladda, kuwaasoo lagu eedeeyo dilalka loo geysto suxufiyiinta iyo shaqaaalaha kale ee warbaahinta ka shaqeeya.

Abawaankan la dilay ayaa wuxuu sare u qaadayaa shaqaalaha warbaahineed ee sannadkan lagu dilay magaalada Muqdisho isagoo tirada ka dhigay 18, kuwaasoo u badnaa suxufiyiin ka howglayay qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliya.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa isla xalay ku dilay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley gabar dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray, Luul Cali Sabriye oo la sheegay inay horay uga tirsanayd Al-shabaab balse kasoo goosatay.

Ehellada haweeneydan ayaa waxay sheegeen in dhowr jeer oo hore loo hanjabay gabadhan, balse si lama filaan maqribnimadii xalay loo dilay, iyagoo sheegay inay dilkeeda geysteen saddex dhallinyaro ah oo wajiga qarsaday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo markii uu dhashay sannadkan ka dhacayay dilal qorsheysan oo lala beegsanayo shacabka qaybihiisa kala duwan iyo shaqaalaha ka howgala warbaahinnada dalka, iyadoo aysan jirin cid ay dowladdu u qabtay dilalka saxafiyiinta.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)