Somali News
    Hees  

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Kana Hadlay Kulamo Uu La Yeeshay Madaxda Imaaraadka Carabta

Hargeysa Talaado 30 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Kana Hadlay Kulamo Uu La Yeeshay Madaxda Imaaraadka Carabta

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ku soo laabtay Dalka, ka did markii uu safar qaatay muddo Todobaad ah ugu maqnaa Dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa ka soo degay Madaarka Magaaladda Berbera, waxaana halkaasi ugu soo dhaweeyay Wasiirrada Madaxtooyadda, Warfaafinta, Beeraha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Wasiir Ku xigeenka waxbarashada, Badhasaabka Saaxil iyo Maayarka Berbera.

Madaxweyne Ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) oo qolka nasashada ee madaarka Berbera ugu waramayay saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkiisa oo qaatay muddo todoba maalmood ah, waxaanu yidhi “Waxaan socdaal fasax ah oo gaaban ku tagay dalka Imaaraadka carabta.

Waxaan tagay wakhti fasax ah oo waajibaadkii xajka loo diyaar garoobay iyo ciidul adxa. Waxase aan aniga iyo maayarka Hargeysa oo ila socday aanu kullamo la yeelanay Ha’yada Bisha cas ee Imaaraadka carabta oo hore inoogu dhistay toban ceel oo laga dhisay xunmbo weyne oo qeyb ka ahayd biyo balaadhinta Hargeysa. Waxaanu ka wada hadalay sidii biyahaasi ay inoogala sii shaqayn lahaayeen.”

Waxa kale oo aan masuuliyiin ka mid ah kulan la yeeshay Ha’yada Khaliifa Foundation oo horena uu Madaxweynaha Somaliland kulamo ula yeeshay, ayaanu sii ambo qaadnay wada hadaladii iyo sidii aynu isku kaashan lahayn, waxaanan ka wada hadalay sidii loo sii xoojin lahaa wada hadaladii ay hore ula yeesheen weftigii Madaxweynaha,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu tilmaamay inay wado kulamo la yeesheen odayaal iyo masuuliyiin ka tirsan madaxda Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka Imaaraadka Carabta oo uu tilmaamay inay uga xog-warameen xaalada guud ee dalka.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu u mahad celiyay Madaxdii ku soo dhaweysay madaarka Berbera. gaar ahaana maamulka gobolka iyo cidii kale ee ka timi qaybaha kale ee wadanka.









Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)