|
Madaxweynaha Kenya oo shuruud ku xiray dib ugu soo laabashada Eritrea Ururka IGAD inay marka hore taageerto nabadeynta Soomaaliya
Mogadishu Talaado 30 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweynaha Kenya oo shuruud ku xiray dib ugu soo laabashada Eritrea Ururka IGAD inay marka hore taageerto nabadeynta Soomaaliya.
Mwai Kibaki Madaxweynaha Dowladda Kenya ayaa ku boorriyay dowladda Eritrea inay gacan ka geysato nabadeynta Soomaaliya, isagoo Madaxweynaha Kenya shuruud ku xiray dib ugu soo laabashada urur Goboleedka IGAD.
Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo magaalada Nairobi ku qaabilay Danjiraha dowladda Eritrea u fadhiya Nairobi ayaa kula taliyay dowladda Eritrea inay gacan ka geysato nabadeynta Soomaaliya ka hor inta aysan dib ugu soo laabadan xubinnimadii urur goboleedka IGAD oo horay looga saaray Eritrea.
Danjiraha Eritrea ayaa madaxweynaha Kenya u gudbiyay farriin uu ka siday Madaxweynaha Eritrea, taas oo uu ku dalbanayo in dib loogu soo celiyo xubninimadii Urur goboleeedka IGAD.
“Waxaa lagama maarmaan ah in marka hore Eritrea ay taageerto nabadda Soomaaliya si ay dib u hesho Xubinimadii IGAD” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki.
Eritrea ayaa horay looga saaray xubinnimada urur goboleedka IGAD oo ay ku mideeysan yihiin waddamada Afrikada barri, kadib markii lagu eedeeyay inay taageerto kooxda argagixisada ah ee Shabaab ee dhibaatadda ka wadda dalka Soomaaliya.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|