|
Abaal Nin Gala Waa La Helaa, Balse Nin Guda Lama Hayo !!!
Talaado 30 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
JOHANESBERG, South Africa - Waxaa baryihii u danbeyay bulshadedana ku soo badanayay dad inta badani jecel xumatada dadka bulshada sharafta ku leh ,waxaaba soo badanayay xilliyadii u danbeyay websityo loo furtay in lagu aflagaadeyo dad magaca ku leh bulshada somaliyeed sida aan ugu dhigay ciwaanka qoraalkeyga {ABAAL NIN GALA WAA LAHELAA BALSE LAMA HELO NIN GUDA} taa waxa ka waday nin magac wariye sheeganaya qaatana lacag islamarkaana aan ilaalineynin shaaftii iyo sumcaddii safaaxadda ay ku dhex lahayd mujtamaca ayaa wuxu qoray Jaalyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Rustenburg oo ka cabaneysa Mudane C/raxmaaan (ukun) balse ma heyn qoraalkas mid run ah wuxu kalo qoraalkiis ku sheegay in u Mudane Ukun uusan wax ka qabanin boobka loo geysanayo somalida ganacsiga ku leh dagankasi.
Qofkan qoray qoraalkan waxa u lacag ka qaatay nin ka mid ah dad degankasi laga yaaqano kas oo Cabdiraxmaan ka dhaxeysay xurguf hoose .qofkas kuma tilmaami karno saxafi waa sidan u sheegay waa calooshii u shaqeysta hadduu saxafad sumcad ka rabo raali galin ha ka bixiyo ayan ugu baaqi laha sababto ah Cabdiraxmaan Sh.Cumar(ukun) ma ahan saa ku sheegtay waa nin ay ogyihiin bulshada somaliyeed ee ku dhaqan k/afrika wax qabadkiisa.
Ma jeceli in aan magaca xuso balse waxaa haboon in aad raali galin dag dag ah kabixiso qoraalkaasi meel kadhaca ku ah Masuul wax qabadkiisa uu bulshada ka dhexmuuqdo.
Sidoo kale waxaan ka raali galinayaa Bulshadda Soomaaliyeed ee Aqrisata websiteyada noocaasi oo kale ah ee loo furtay in lagu bahdilo in dadka mujtamaca wax u qabanaya inaysan aqrisan websiteyadda noocaasi oo kale ah.
Xaqiiqda dhabta ah ayaa ah in bulshada ku dhaqan magalada Rustenburg ay jecel yihiin gudomiyaha jaaliyada Rustenburg, anigana waxaan oran lahaa Gudoomiye C/raxmaan Abaal nin wuu gala balse bulshadiisa aya u guda ee dhag jalaq ha u siiinin dadkas horay u siwado u adeegidda bulshada aad masuulka u tahay .
C/raxmaan waxan ku xasuusta in aan k/afriak la joogay somalidii lagu dilay Rustenburg dadkii dilay ayu maxkamad soo saray asagoo adeegsano ciidanka booliiska gobolka ,tan kale waxaan la iloobi karin u ololenta abaraha ee somaliya loo aruuriya lacag kumanan doolar ah tasi oo uu gacantiisa ku soo aruriyay iyadoo loodiray loo diray gudaha somaliaya oo dhibaatooyin xoogleh ay kajireen .
C/raxmaan wuxu kalo u ololeyay in ay helan caruurta ku dhaqan magalada Rustenburg madarasad ay qur,aanka ebe lagu baro.kuwasi oo ilaa had aka shaqeeya Magaaladaasi.
Bal aqriste qofka noocaasi ah miyaa u qalma in sidaa shafartiisa meel looga dhaco? Jawaabta su aashaasi waxaan u dayneynaa Bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku dhaqan Magaaladda uu C.raxmaan Gudoomiyaha kayahay ee Rustenburg.
Ujeedka iyo dulucda qoraalkeyag waxan ku soo gababenaya websitka in u raali galin ka bixiyo unah bulshadiisa runta u ifiyo
ukun waxan lenahay u shaqey bulshadada waqtiga ku xusi doono .
W/Q:MAXAMUUD CABDULLAHI XUSEEN ABOOKEY
SOUTH AFRICA JOHANNESBURG
TEL:+2782649706
EMAIL:-ABOOKEY077@GMAIL.COM
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|