Somali News
    Hees  

Dagaal xalay ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab duleedka magaalada Baydhabo

Mogadishu Arbaco 31 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dagaal xalay ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab duleedka magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bayadhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay duleedka magaaladaasi ay isku farasaareen ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid baa laleeyahay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fadhiisin ciidamada dowlada ay ku lahaayeen duleedka magaalada baydhabo.

Labada dhinac ee dirirta dhaxmartay ayaa la soo warinyaa inay isku adeegsday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku dhowdhow laga maqlayay daryanka rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Lama oga qasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay dagaalkaasi xalay ciidamada dowlada iyo kuwa Al-shabaab ku dhaxmaray duleedka magaalada Bayadhabo.

Xaalada ayaa sakay ah mid degan, mana jiraan dhinacyada dagaalamay wax ka hadlay ilaa iyo hada dagaalkaasi xalay ka dhacay duleedka magaalada Byadhabo

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)