Somali News
    Hees  

Barakacayaasha Degaanka Ceeljaale oo Isu soo baxay Cabasho ah ka dhigay Xaafadaha Baladweyne

Mogadishu Arbaco 31 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Barakacayaasha Degaanka Ceeljaale oo Isu soo baxay Cabasho ah ka dhigay Xaafadaha Baladweyne

Boqolaal ruux oo ka tirsan barakacayaasha xiligan degan xaafada Ceeljaale ee duleedka Baladweyne ayaa mudo laba maalin si isdaba joog ah waxaa ay magaalada baladweyne uga dhigayeen bananbaxyo ay uga cabanayaan in aan la siin mucaawino ku filan taa badalkeedna wixii logu talagalay baqaarada baladweyne gudahooda lagu kala qeybsado.

Cabdi Carabow oo ka mid ah dadka dibad baxayada soo qaban qaabiyay oo la hadlayay Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in Hay,ada Save the Children xafiiskeeda Baladweyne uu lunsaday wixii Mucaawino ahaa ee dadkii uu saameyay fatahaadii wabiga shabeele logu talagalay in lagu caawiyo.

“ hadii aan nahay dadka ku barakacay degaanka Ceeljaale waxaa na heysata dhibaato guryahena waxaan uga barakacnay fatahaadii uu dhawaan sameeyay wabiga Shabelle maalin walba waxaa noo yimaada dad wata Kamarado Sawiro ayeey naga qaadaan wixii ay hay,adaha nogu talagaleen Baladweyne ayaa lagu kala qeybsadaa xitaa biyahii loo dhaamin jiray dadkii baladweyne ka cararay waxaa naloo sheegay in Jimcaha la joojinaayo waxan u sheegeynaa Masuuliyiinta sar sare ee Hay,adaha Samafalka in wixii aan nogu talagasheen Baladweyne lagu qeybsaday ayna jirn wax naga soo gaaray sidaas darteed dabagal ku soo sameeya deeqdii aad ugu talagasheen dadka dhibaateysan”

Dadka mudaaharaadka dhigayay ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku tilmaamayeen cida leexsatay kaalooyinkii ay lahaayeen waxaana erayadaasi ka mid ah doonimeyno save dooni meyno dahab shiil iyo hormuud iyo erayo kale

Wax ka badan kala bar dadkii baladweyne ayaa xiligan waxaa ay nolol xumo aad u daran ay ku haysataa duleedka magaalada gaar ahaan degaanka Ceeljaale iyadoo aanu jirin maamul ama shaqsiyaad isku xil saaray in dadkaas dhibaatada haysa laga caawiyo

Boqolaal ka tirsan dadkii baladweyne uga cararay fatahaadii bishii hore uu ka geystay Wabiga shabeele isla mar ahaantaana xiligan ku nool degaanka Ceeljaale ayaa maalintii labaad waxaa ay isu soo baxay cabasha ah waxaa ay ka dhigay wadooyinka baladweyne si ay u muujinayaan dhibaanada ka haysata dhinacyada Nolosho iyo Caafimaadka

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)