|
Soomaalida Oo Eed Ba'an Dusha Uga Tuurtay Dowladda K/Afrika
Mogadishu Arbaco 31 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Soomaalida Oo Eed Ba'an Dusha Uga Tuurtay Dowladda K/Afrika
Dowladda K/Afrika, ayaa lagu eedeeyey inay xil iska saarin sugidda ammaanka Soomaalida ku nool dalkeeda, xilli ay sii kordhayaan Soomaalida dib ugu laabanaya dalkooda hooyo ee Somalia.
Kadib markii dil bareer ah dhawaan dalka South Africa loogu gaystay ganacsade Soomaali ah, Iyo labo kale oo dhaawac soo gaaray ayaa waxaa arintaasi ka hadlay dadka soomaalidaa ee ku dhaqan dalkaasi, ayaga oo dareen murugo leh ka muujiyay falalka ka dhanka ah Soomaalida oo ku sii kordhaya dalkaasi.
Mudane C/wali C/raxmaan oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa samata bixinta Soomaalida, ayaa ka warbixiyay xaaladaha ka sii daraya ee Soomaalida dalkaasi, asaga oo muujiyay in xaalada iminka ay sii yaraynayso rajada ay soomaalidu ka qabaan in ay ku sii noolaan karaan dalkani.
Waxa uu wax qabad la’aan ku tilmaamay dowlada Madaxweyne Zuma, oo sida uu sheegay ay xili walba u gudbiyaan tacadiyada ka dhan ka ah somalida iyo dilalka arxan daradaa, iyadoo wax ficil muuqdaa aysan dowladu qabanin.
Masuulkan oo ka tiiraanyaysan dhibaatada soomaalida ku haysta K/Afrika, waxa uu ku tilmaamay soomalida kuwo aan cidana u ogayn qaxootinimo, iyo daganaansho midna, lakin ay dadka soomaalidu yihiin kuwo xoogsada oo ayagu noloshooda mareeya, lakin ay ka noolaan la’yihiin waxa uu ugu yeerya burcada K/Africa.
Waxaa maalin walba dalkaasi lagu bar tilmaameeysataa ganacsato soomaali ah oo goobhooda ganacsi lagu weraro ayaga oo si arxan daraa loo dilo,waxaana qaarkood nafta looga qadaa, Bud, Dab, Xabad, Tooreey, iyo wax walba oo aadanaha u xun.
Docda kale, waxaa wali garoomada dalkani K/Afrika, gaar ahaana Cape Town International airport kasii qulqulaya Boqolaal Soomaali ah, kuwaasi oo go'aan deg deg ah ku gaaray nay dalkooda dib ugu laabtaan maadaama la helay Dowlad rasmi ah oo caalamka wax la wadaagi karta, iyagoo rajo ka muujiyey in is bedel xagga amaanka ah ay ka islaaxin doonto dalkeena Somalia.
C/risaaq IndhaJaceyl
Cape Town, South Africa
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|