Somali News
    Hees  

Haween ku geeriyooday Roobab Mihiin ah oo watay Biriq xooggan oo ku dhacday Deegaan ka mid ah Degmada Ceeldheer ee G/Galgaduud

Mogadishu Arbaco 31 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Haween ku geeriyooday Roobab Mihiin ah oo watay Biriq xooggan oo ku dhacday Deegaan ka mid ah Degmada Ceeldheer ee G/Galgaduud.

Roobab mahiigaan ahaa oo maalintii shalay aheeyd gelenkeedii dambe ka bilaawday Goboladda dhexe gaar ahaana gobolka galgaduud oo soo gaaray xalay saqdii dhexe ayaa sababay dhimashadda 3 ruux oo dad ah iyo dhaawac tiro kale oo intaas ka badan, kadib markii ay degmadda ceeldheer ay ku dhacday Biriq ama danab ka dhashay roobabakaasi halkaasi ka da,ayay.

3 Ruux eegeeriypptay ahaa ahaa dumar xolaley aha, iyadoo ay ku soo dhacday halkii ay ku sugnaayeen xili habiin ah biriqdaasi, taas oo geeysatay dhimashadda 3 ruux waxaaba roobabkaasi soconaayeen saacado badan iyadoo ay biyo dhigeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.iuyo nawaaxigeedda.

Mid ka mid ah ehelada dadka geeriyooday oo la soo xiriiray warbahinta maxaliga ah ayaa sheegay in Sadexda qof ee ku geeriyootay Biriqda ama Danabka ay ka tirsanaayeen hal qoys oo xoolo dhaqato ah, kuwaas oo dhammaantood ahaa haween, wuxuuna intaa ku daray in Laba gabdhood oo kale ay suuxsanyihiin ilaa saaka loona soo qaaday Cisbitalka guud ee degmada Ceeldheer.ee gobolkaasi galgaduud.

Biriqda ama Danabka ay ku geeriyooday Sadexdan ruux ayaa ka dambeeysay Roobab mahiigaan ah oo shalay ilaa xalay ka da’ayay degmada Ceeldheer iyo nawaaxigeeda in kastoo aan la soo sheegin qasaare inta ka sii badan oo ka dhashay Roobabkaasi, waxana la sheegayaa in dadka geeriyooday ay ku wadajireen aqal Soomaali deegaanka bannaanka loo yaqaanno ee waqooyi bari kaga toosan degmada Ceeldheer.

Roobabkan oo ahaa xiliga deyrta oo sameeyay biyo fadhiidsiga kana da’ay degmada Ceeldheer ayaa waxaa ku diirsaday Dadka iyo duunyada, ku nool degmadaasi iyo guud ahaan gobolka wuxuuna roobku xareedda waray deegaanno aad u ballaaran oo in muddo ah ay ka jirtay abaar aad u daran oo sameysay dadka iyo duunyada ku nool goboladda dhexe eedalka soomaliyeed, waxaana ilaah loogaga baryayaa intii naftoodda ku waaysay in ilaah u ka waraabiyo janaatul fardowsa anagana gadaashood ilaah hainaga badbaadsho.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)